HomeCaalamkaAkhriso:-Kenya oo shaacisay Magacyada Askartii lagu dilay qarax ka dhacay Wajeer

Akhriso:-Kenya oo shaacisay Magacyada Askartii lagu dilay qarax ka dhacay Wajeer

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wargeyska Maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu maanta qoray inay Dagaalamayaasha Alshabaab qoryo iyo rasaas ka qaateen Askartii Kenyanka ee shalay lagu dilay qaraxii iyo weerarkii ka dhacay Deegaanka TARBAJI oo ka tirsan Degmadda Wajeer. Wargeyska waxa uu soo xigtay Warbixin ay Boliska Kenya soo saareen oo lagu muujiyey  inay Dagaalamayaasha […]

- Advertisement -

Wargeyska Maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu maanta qoray inay Dagaalamayaasha Alshabaab qoryo iyo rasaas ka qaateen Askartii Kenyanka ee shalay lagu dilay qaraxii iyo weerarkii ka dhacay Deegaanka TARBAJI oo ka tirsan Degmadda Wajeer.

Wargeyska waxa uu soo xigtay Warbixin ay Boliska Kenya soo saareen oo lagu muujiyey  inay Dagaalamayaasha Alshabaab horey u sii qaateen hubkii ay wateen 8-dii Askar ee Kenyanka ah ee lagu dilay qarixii shalay, oo ka koobnaa 5 Qoryaha AK 47 iyo G 3 iyo 540 xabbo ee rasaasta Qoryahaasi.

- Advertisement -

Warbixin loo diray Xarunta Dhexe ee Boliska Kenya ee magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay inay Alshabaab horey u qaateen qoryaha Askarta la dilay oo kala ahaa 5 qoryaha AK 47 iyo 3 qori oo noocoodu ahaa G 3

Warbixinta waxaa kalo olagu sheegay in Askartaasi  la weerarayey duhurnimadii shalay, xilli ay gaari ku marayeen Deegaanka Tarbaj, iyagoo ilaalo ka hayey jidka isku xira Deegaanadda Kotulo iyo Bojigaras.

Dhinaca kale, Magacyadda Askarta Boliska Kenyanka iyo kuwa Kaydka ee lagu dilay qaraxaasi ayaa lagu kala sheegay: C/casiis Cali, C/llaahi Hiraabe, Cali Maxamed Cali, Thomas Machere, C/llaahi Sheekh Yuusuf, Daa’uudi Ibraahim Axmed iyo Maxamed Yacquub Cabdi iyo Ali Axmed oo ahaa Dareewalkii waday gaarigii ay la socdeen Askartaasi oo noociisu ahaa Land Cruiser.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories