HomeCaalamkaSawirro:-Shiinaha oo laga codsaday in Golaha Ammaanka ee QM dib u eegaan...

Sawirro:-Shiinaha oo laga codsaday in Golaha Ammaanka ee QM dib u eegaan Go’aanka AMISOM kaga baxayaan Somalia

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul-wasaaraha dalka Uganda, Dr Ruhakana Rugunda waxa uu Baaqaasi jeediyey, kadib, markii uu la kulmay Guddoomiyaha Shirweynaha La-talinta Siyaasadda ee dadka Shiinaha ee hoos taga Xisbiga Shuuciga ee dalkaasi, Wang Yang. Ra’iisul-wasaaraha Uganda waxa uu Dowladda Shiinaha ka codsaday inay taageero ka geystaan sidii loo soo af-jari lahaa Colaadaha Gobalka ee ka aloosan dalalka Somalia, […]

- Advertisement -

Ra’iisul-wasaaraha dalka Uganda, Dr Ruhakana Rugunda waxa uu Baaqaasi jeediyey, kadib, markii uu la kulmay Guddoomiyaha Shirweynaha La-talinta Siyaasadda ee dadka Shiinaha ee hoos taga Xisbiga Shuuciga ee dalkaasi, Wang Yang.

Ra’iisul-wasaaraha Uganda waxa uu Dowladda Shiinaha ka codsaday inay taageero ka geystaan sidii loo soo af-jari lahaa Colaadaha Gobalka ee ka aloosan dalalka Somalia, South Sudan, Kongada Dimuqraadiga iyo Burundi.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Uganda taageero ka geysatay soo-celinta Nabadda ee dalalka deriska ee ay colaaduhu halakeeyeen.

Sidoo kale, Dr Ruhakana Rugunda  waxa uu ugu baaqay Dowladda Shiinaha inay taageero ka geystaan sidii ay Golaha Ammaanka ee QM dib-u-eegi lahaayeen Go’aankooda ku aadan sidii Ciiddamka  AMISOM looga daad-gureyn lahaa gudaha Somalia.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Mowqifka dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ka digayaan inay arrintaasi wax u dhimi doonto dadaalka lagu xoojinayo Ciiddanka Ammaanka ee DFS.

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee QM waxay dhawaan ansixiyeen Qaraar ku baaqay in la dhimo tirada Ciiddanka AMISOM, si ay DFS dhabarka u ridato mas’uuliyadda Ammaanka Somalia.

Dowladaha Shiinaha waxay ka mid tahay shanta Dowladood ee Awoodda Qayaxan ee VETO ku dhex leh Golaha Ammaanka ee QM  isla markaana galangal u leh inay Golaha ku cadaadiyaan meel-marinta iyo dib-u-eegista Go’aanadda uu Goluhu horey u meel-mariyey.

Si kastaba ha ahaatee,Hadalka Ra’isul-wasaraaha Uganda ayaa muujinaya sida ay Dowladiisa oo ay Kumanaan Ciiddan ka joogaan Somalia ugu qanacsanayn Qaraarka Golaha Ammanka ee QM, waana arrintaasi sababta ay Uganda oo ka mid ah dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia (TCCs) uga codsato Dowladda Shiinaha in dib loo eego Qaraarka ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ku ansixiyeen in la dhimo Tirada Ciiddanka AMISOM  ee ku sugan gudaha Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories