HomeCaalamkaQarax iyo weerar toos ah oo lagu dilay Ciidamo Kenyan ah

Qarax iyo weerar toos ah oo lagu dilay Ciidamo Kenyan ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo toos ah iyo mid ay u adeegsadeen miinada dhulka la galiyo ku qaaday kolonyo ay wateen ciidamada booliiska Kenya oo marayay magaalada Wajeer. 8 ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo ahaa mid aad u culus oo haleelay gaarigii ay wateen xilli […]

- Advertisement -

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo toos ah iyo mid ay u adeegsadeen miinada dhulka la galiyo ku qaaday kolonyo ay wateen ciidamada booliiska Kenya oo marayay magaalada Wajeer.

8 ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo ahaa mid aad u culus oo haleelay gaarigii ay wateen xilli uu marayay deegaanka lagu magacaabo Bojigaras oo ka tirsan magaalada Wajeer.

- Advertisement -

Ciidamada qaraxa lagu dilay ayaa waxa ay deganaayeen xero ku taala Kutulo halkaas oo ay kusii jeedeen markii uu weerarka dhacayay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxa markii uu haleelay gaariga ay ciidanka wateen kadib ku qaaday weerar toos ah.

Ilo ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in saraakiisha ay gaariga ka dageen qaraxa kadib isla markaana ay rasaas isweydaarsadeen dagaalyahanada kahor intaan laga awood roonaan.

- Advertisement -

Mid kamid ah ciidanka oo weerarka ka baxsaday ayaa wax yar kadib intii isbitaalka loo sii waday geeriyooday.

Taliyaha Wajeer Stephen Ng’etich ayaa sheegay inuu faafin dheeri ah ka bixin Karin waxyeelada sababo la xiriira qadka anteenada oo liita.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories