HomeCaalamkaIlaalo British ah oo gelbiyey Kumanaan Dalxiisayaal ku safrayey Badda Somalia

Ilaalo British ah oo gelbiyey Kumanaan Dalxiisayaal ku safrayey Badda Somalia

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa maanta qoray in Ilaalo hubeysan oo horey uga tirsanaa Mariniska Britain ay si qarsoodi ah ugu dhex milmeen 2,600 oo Dalxiisayaal, kuwaasi oo ku tamashleynayey Markabka Raaxadda leh ee Queen Mary 2. Ilaaladaasi oo hubeysnaa ayaa loogu tala-gaalay inay Dalxiisayaasha ka badbaadiyaan Burcad-baddeeda ka qowleysata […]

- Advertisement -

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa maanta qoray in Ilaalo hubeysan oo horey uga tirsanaa Mariniska Britain ay si qarsoodi ah ugu dhex milmeen 2,600 oo Dalxiisayaal, kuwaasi oo ku tamashleynayey Markabka Raaxadda leh ee Queen Mary 2.

Ilaaladaasi oo hubeysnaa ayaa loogu tala-gaalay inay Dalxiisayaasha ka badbaadiyaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

- Advertisement -

Wargeyska waxa u uqoray inuu Markabkaasi si nabad ah ku soo maray Gacanka Cadmeed, halkaasi oo ay Burcda-baddeedu ku xooggan yihiin.

Ilaaladda ayaa la sheegay inay Markabka dhakadiisa ku xirteen Hub iyo Tubooyinka laga tuuro biyaha xoogga leh, ay Burcad-baddeeda isaga waabiyaan.

Ciiddanka waxay Casharo Wacyi-gelin ah siinayey Dalxiisayaasha oo ay ka codsadeen inaysan Habeenkii Nalalka shidin iyo inay yareeyaan shanqarta inta uu Markabku marayo Badda Somalia.

- Advertisement -

Wargeyska waxa uu qoray in Markabka Dalxiiska uu xawaare sare oo muddo 6 maalmodo ah ku maray Xeebaha Imaaraadka ilaa Jesiiradda loo dalxiis tago ee Caqaba ee dalka Urdun.

Kabtan Peter Philpott oo ka mid ahaa Ilaaladii la socotay Markanka waxa uu u sheegay Dalxiisayaasha inay ilaalo ka hayaan Ciiddanka Caalamiga oo ay QM u fasaxday inay Maraakiibta Ganacsiga ka badbaadiyaan weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Ciiddanka Badda Boqortooyadda Britain ayaa sheegay inay wax caadi tahay in  Ilaaladooda lagu casuumo inay gelbiyaan Maraakiibta Ganacsiga marka ay safrayaan, si looga ilaaiyo Khatarta Burcad-baddeeda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories