HomeCaalamkaGanacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

Ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka naga soo gaaraya Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Ganacsato Soomaali ah xalay Saqdii dhexe dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha dalkaas. Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa  laba ka mid ah ganacsatada Soomaliyeed waxa ay midna ku dileen midna ku dhaawaceen afaafka hore ee Goobtooda Ganacsi oo ku taalla deegaan ku […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Ganacsato Soomaali ah xalay Saqdii dhexe dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha dalkaas.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa  laba ka mid ah ganacsatada Soomaliyeed waxa ay midna ku dileen midna ku dhaawaceen afaafka hore ee Goobtooda Ganacsi oo ku taalla deegaan ku dhow M/Cape Town.

- Advertisement -

Dilalka ka dhaca Wadanka Koonfur Afrika ayaa ah kuwa soo noq noqday,waxana Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay Magaciisa lagu sheegay C/llaahi  Maxamuud sidoo kalena la dhaawacay  muwaadin kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil.

Majirto dilkaas iyo dhaawacaas Ganacsatada soomaaliyeed ee dalka koonfur Afrika cid loo qabtay,waxaana bil walba gudaha dalkaas ka dhaca dilalka Ganacsatada iyo boobka hantidooda.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in ay cabsi aad u daran soo wajahaday,waxa ay ugu baaqeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay arrintaan dilalka ah soo farageliso,isla markaana madaxda dalkaas ay kala hadasho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories