HomeCaalamkaAkhriso:-Sidee u aragtaa Hooyada dhashay hoggaamiyaha Boko Xaraam falalka uu geysto Wiilkeeda?

Akhriso:-Sidee u aragtaa Hooyada dhashay hoggaamiyaha Boko Xaraam falalka uu geysto Wiilkeeda?

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Hooyada dhashay ninka ah hoggaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abubakar Shekau ayaa ka hadashay dhibaatooyinka wiilkeeda uu ka wado dalka Nigeria, waxayna sheegtay in dhibaatooyin badan uu ka geystay dalkaas. Falmata Abuubakar oo idaacadda VOA la hadashay ayaa sheegtay in muddo 15 sano ah aysan indho saarin wiilkeeda, waxayna intaas ku dartay “Waxaan rajaynayaa in uu […]

- Advertisement -

Hooyada dhashay ninka ah hoggaamiyaha kooxda Boko Xaraam Abubakar Shekau ayaa ka hadashay dhibaatooyinka wiilkeeda uu ka wado dalka Nigeria, waxayna sheegtay in dhibaatooyin badan uu ka geystay dalkaas.

Falmata Abuubakar oo idaacadda VOA la hadashay ayaa sheegtay in muddo 15 sano ah aysan indho saarin wiilkeeda, waxayna intaas ku dartay “Waxaan rajaynayaa in uu Alle soo hanuuniyo”.

- Advertisement -

“Haa waa wiilkayga, hooyo kastana wiilkeeda waa jeceshahay, balse waxaan leenahay dabeecado kala duwan, runtii dhibaatooyin badan ayuu horseeday” ayay intaas ku dartay.

“Ma ahan dhaqankii iyo tarbiyaddii aan aniga baray, ma garanayo waxa ay yihiin waxa uu samaynayo, Alle hasoo hanuuniyo ” ayay tiri.

Kooxda Boko Xaraam oo micnaheedu yahay ‘waxbarashada reer galbeedka waa xaaraam’ ayaa weeraro ka bilowday dalka Nigeria sanadkii 2009-kii, iyada oo sheegtay in khilaafo islaami ah ay ka samaynayso Waqooyiga Afrika.

- Advertisement -

Illaa 20 kun qof ayaa ku dhimatay rabshadahan, 2 milyan oo kalena waa ay ku barokaceen sida la sheegay.

Sanadkii 2015-kii ayay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish, balse 2016-kii ayay kala go’een kadib markii Daacish ay sheegtay in la badalay Abubakar, laguna badalay nin kale oo lagu magacaabo Abu Musab Al-Barnawi.

Balse Abuubakar ayaa beeniyay, sheegeyna in wali uu isaga hoggaanka hayo.

Mama Falmata waxa ay sheegtay in aysan ka warhaynin in uu noolyahay iyo in kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories