HomeCaalamkaUganda: Dadka jismiga cad leh ee Albino oo codsaday Canshuur dhimis

Uganda: Dadka jismiga cad leh ee Albino oo codsaday Canshuur dhimis

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dadka Albino ee ku nool dalka Uganda waxay Dowladda ka codsadeen in laga yareeyo Canshuuraha adeegyadda darruuriga u ah dadkaasi uusan jirkooda u adkeysan Karin Shucaaca Qorraxda. Hadal qoraal oo ka soo baxay Ururka dadka Albinos-ka ku nool dalka Uganda ee (The Uganda Albinos’ Association (UAA) ayey ku sheegeen inay doonayaan in la dhimo canshuuraha […]

- Advertisement -

Dadka Albino ee ku nool dalka Uganda waxay Dowladda ka codsadeen in laga yareeyo Canshuuraha adeegyadda darruuriga u ah dadkaasi uusan jirkooda u adkeysan Karin Shucaaca Qorraxda.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Ururka dadka Albinos-ka ku nool dalka Uganda ee (The Uganda Albinos’ Association (UAA) ayey ku sheegeen inay doonayaan in la dhimo canshuuraha laga qaado qalabka looga badbaado gubashadda kulaylka Qorraxda oo ay ka mid yihiin Kareemka Qorraxda looga gaashaanto, Indha-gashi ama Ookiyaalo iyo Koofiyadaha.

- Advertisement -

Waxay dadkaasi doonayaan in candhuurta laga dhimo  laga bilaabo bisha soo socota ee July 1-da oo ah marka Uganda ka bilaabanaayso Sannadka Cusub ee Maaliyadda (the new financial year) ee 2018-ka ilaa 2019-ka.

Dadka Albinos-ka ku nool dalka Uganda waxay ku calaacaleen in Qiimaha Sare ee Badeecadaha iyaga daruuriga u ah uu sababay inuu ku dhaco noocyo kala duwan oo Kansar ah iyo Waayeelnimo  soo degdegta (early agin).

Guddoomiyaha Ururka Dadka Albinos-ka ku nool dalka Uganda, Ms Claire Kyobe waxay sheegtay in dhaladii Kareemka Qooraxda uu qiimaheeda u dhexeeyo 120,000 ilaa 150,000 Shillinka Uganda, waxayna xustay inaysan awoodi Karin inay iibsadaan Kareemooyinka looga hortago Fallaaraha Cadceeda.

- Advertisement -

Waxay cod dheer ugu baaqday Dowladda Uganda inay taageeraan Dadka Albinos-ka, oo ay xustay inay yihiin dad sabool ah oo aan badankooda shaqo haysanin.

Waxay kaloo sheegtay inay Dowladda Uganda bilowdo sidii ay Kareemka u gaarka ah dadka Albinos-ka la dhigo goobaha Bulshadda, sida Isbitaalladda, halkaasi oo ay ka heli karaan Daawooyinkaasi.

Dadka Albinos-ka ee ku nool Uganda waxaa lagu qiyaasaa inay turadooda guud dhan tahay 8,725 qof.

Dhinaca kale, Ilaa 170,000 oo dadka qaba Albinos-ka ayaa ku nool Caalamka oo dhan, halka  4,000 oo ka mid ah ku nool yihiin dalalka ka hooseeya Saxaraha (The Sub-saharan Region)

Qaar ka mid ah dalalka Caalamka waxay dadka Albinos-ka kala kulmaan dil loo geysto, Dadka Albinoska ku nool Caalamka, oo iyagu Takoor Bulsho kala kulma Deegaanadda ay ku nool yihiin.

Dadka Albinoska ku nool Caalamka, waxay  Takaoor iyo dil kala kumaan  Deegaanadda ay ku nool yihiin.

Miisaal ahaan dalka Tanzania, Dadka Albinos-ka waxaa la sheegay in la ugaarsado, lana dilo, si  Lafahooda loo adeegsado waxyaabaha Malla-awaalka.

Bulshadda dalkaasi waxaa ka jirta Aragti ay rumeysan yihiin in qofkii haysta Lafaha dadkaasi uu Taajir noqon doono, waana ayaan-darro in Qof Aadanaha loo dilo waxyaabo aan Cilmi ku dhisnayn.

Si kastaba ha ahaatee, Holaha Guud ee QM waxay sannadkii 2014-kii u aqoonsadeen bisha June 13-da Maalinta Calaamiga ee Wacyi-gelinta dadka Albiniska (The International Albinism Awareness Day).

Xigasho:  Daily Monitor

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories