HomeCaalamkaTaliye Sare oo ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu diley Galbeedka Yemen

Taliye Sare oo ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu diley Galbeedka Yemen

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Telefishinka Alarabiya ee Sacuudiga waxa uu baahiyey inay Ciiddamadda Isbahaysiga ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay maanta dagaal ku dileen Taliye iyo Maleeshiyo la socotay. Sarkaalka la dilay ayaa lagu sheegay magaciisa Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Al-mutawakal, kaasi oo la sheegay in lagu dilay duleedka magaalladda Xudeydah ee Galbeedka dalkaasi. Isbahaysiga Sacuudiga iyo Ciiddanadda Dowladda Dibadb-jooga […]

- Advertisement -

Telefishinka Alarabiya ee Sacuudiga waxa uu baahiyey inay Ciiddamadda Isbahaysiga ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay maanta dagaal ku dileen Taliye iyo Maleeshiyo la socotay.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu sheegay magaciisa Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Al-mutawakal, kaasi oo la sheegay in lagu dilay duleedka magaalladda Xudeydah ee Galbeedka dalkaasi.

- Advertisement -

Isbahaysiga Sacuudiga iyo Ciiddanadda Dowladda Dibadb-jooga ee dalka Yemen waxay shalay bilaabeen Guluf-colaadeed si ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta uga saaraan magaalladda Istaraatijiyadda leh ee Xudeydah oo kaabiga ku haya Gacan-biyoodka Baab Al-mandab ee Badda Cas.

Ilo ku dhow Xuutiyiinta ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay uu Taliye ka ahaa Guuto lagu magacaabo Al-xuseyniyah oo loogu talagalay inay difaacaan Xudeydah.

Sarkaalka la dilay waxaa la sheegay inuu dalka Iiraan ku soo qaatay Tababar socday muddo 10-sanno ah

- Advertisement -

Dhinaca kale, Telefishinka Alarabiya ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda Dubai waxaa laga baahiyey in Taliyihii Xuutiyiinta ee Aagga Almanzar ee Koonfurta Garoonka Diyaaradaha Xudeydah, G/sare Xuseen Al-marani oo loo yaqaanay Abu Munathar maanta lagu dilay iska horimaad ka dhacay duleedka Garoonka Xudeydah.

Waxaa kale o ola sheegay in 13 Maleeshiyo la socotay lala dilay Sarkaalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka kama hadlin weerarkii ay Xuutiyiinta la beegsadeen Markab Dagaal oo ay Milliteriga Imaaraadka lahaayeen oo ku sugnaa meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah.

Markabkaasi ayaa la sheegay in burbur weyn loo geystay, isla markaana uu dab xooggan ka kacay, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinadad Caalamka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories