HomeCaalamka(SAWIRO): Markab Dagaal oo Milliteriga Imaaraadka lahaa oo lagu weeraray, kuna ololaya...

(SAWIRO): Markab Dagaal oo Milliteriga Imaaraadka lahaa oo lagu weeraray, kuna ololaya Badda Cas.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee ay Dowladda Iiraan taageerto ayaa la sheegay inay Markabkaasi ku weerareen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen. Sarkaal ka tirsan Taliyayaasha Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Khasaaro xooggan u geysteen Markabkaasi. Saraakiisha Maraykanka ayaa iyagana xaqiiyey in ay Markabkaasi weerareen Maleeshiyadda Xuutiyiinta, isla markaana uu soo gaaray burbur […]

- Advertisement -

Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee ay Dowladda Iiraan taageerto ayaa la sheegay inay Markabkaasi ku weerareen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen.

Sarkaal ka tirsan Taliyayaasha Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Khasaaro xooggan u geysteen Markabkaasi.

- Advertisement -

Saraakiisha Maraykanka ayaa iyagana xaqiiyey in ay Markabkaasi weerareen Maleeshiyadda Xuutiyiinta, isla markaana uu soo gaaray burbur ballaaran.

- Advertisement -

Shabakadda u khaaska ah Wakaalladda Wararka Sputnik News Agency ee dalka Raashiya waxay qortay inay Ilo kala duwan u sheegeen inuu dab qabsaday Markabkaasi oo taagan Badda Cas, meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah.

Warbaahinta Wararka ee Almasdar News ayaa iyadana qortay inuu Markabkaasi haatan Badda quusay.

Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga waxay shalay bilaabeen Hawlgal Dagaal oo ay doonayaan inay Maleshiyadda Xuutiyiinta kala wareegeen Dekedda magaalladda  Xudeydah oo muhiim u ah Ammaanka Maraakiishta  isticmaasha Gacan-biyoodka Baab Al-mandab.

Weerarka ay Xuutiyiinta ku weerareen Markabka Dagaalka ee Imaaraadka waxa uu ku soo beegmay, iyadoo 4 Askari oo Imaaraadka u dhashay shalay lagu dilay duleedka magaalladda Xudeydah ee dalka Yemen.

Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxay  sheegtay in Ciiddankaasi la dilay xilli ay gudanayeen Waajibaadka Qaran ee Hawlgalak Rajo soo-celinta Yemen ee ay Isbahaysiga Sacuudiga ku taageerayaan Dowladda sharciga ee dalka Yemen.

Wakaalladdu waxay magacyadda Askartaasi ku kala sheegtay Lieutenant Khalifa Saif Said al-Khatri, Ali Mohammed Rashed al-Hassani, Sergeant Khamis Abdullah Khamis al-Zayudi  iyo Obeid Hamdan Said al-Abdouli.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories