HomeCaalamkaMareykanka oo cadeeyey sababta Ciidamadiisa uga howllgalan Somalia

Mareykanka oo cadeeyey sababta Ciidamadiisa uga howllgalan Somalia

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Askartii Maraykanka ee lagu dilay, laguna dhaawacay dagaalkii ka dhacay Somalia waxay doodi ka taagan tahay inaysan weli kala caddayn Doorka Ciiddankaasi. Waaxda Difaaca Maraykanka ee (The Pentagon) ayaa sheegtay inay Hawsha Ciiddanka Mareykanka ka jooga Afrika, gaar ahaan Somalia inaysan ahayn inay ka qeyb galaan Dagaal Toos ah, balse uu Waajibaadkoodu yahay inay bixiyaan […]

- Advertisement -

Askartii Maraykanka ee lagu dilay, laguna dhaawacay dagaalkii ka dhacay Somalia waxay doodi ka taagan tahay inaysan weli kala caddayn Doorka Ciiddankaasi.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee (The Pentagon) ayaa sheegtay inay Hawsha Ciiddanka Mareykanka ka jooga Afrika, gaar ahaan Somalia inaysan ahayn inay ka qeyb galaan Dagaal Toos ah, balse uu Waajibaadkoodu yahay inay bixiyaan La-talin iyo Taageero Loojistik.

- Advertisement -

Saddex Alifle Alexander Conrad oo 26-jir ah waxaa isbuucii hore lagu dilay Weerar ka dhacay Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, xilli ay Milliteriga Maraykanka taageero siinayeen boqolaal Ciiddamo isugu jiray Somali iyo Kenyan weerareen Dagalaamyaal Alshabaab ku sugnaa duleedka Kismaayo.

Xoghayaha Difaca dalka  Maraykanka, Jim Mattis oo dhawaan Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Waaxda Gaashaandhiga ee dalkaasi ayaa sheegay in Milliteriga Maraykanka ka jooga Afrika yihiin kuwo halkaasi u jooga inay Ciiddanka dalalkaasi siiyaan Tababar iyo La-talin ku adaan sida ay u socoto Hawshooda.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan Ciiddanka Maraykanka halkaasi u joogin inay dagaalamaan ama ka qeyb gaalaan Hawlgalo.

- Advertisement -

 Mar wax laga weydiiyey in hadalkiisa la micno tahay inay Ciiddanka Maraykanka dhamaantooda ammaan yihiin, waxa uu ku jawaabay “ Maya, waa taas sababta aan u isticmaalno Ciiddanka Maraykanka”.

Dhinaca kale, Xoghayaha Difaca dalka Maraykanka, Jim Mattis waxa uu hoosta ka xariiqay  inaysan Ciiddan wax duqeeya haatan joogin dhulka dalalka Somalia iyo dalalka kale ee Afrika., balse waxa uu sii raaciyey in tallaabo kasta la qaadayo, haddii loo baahdo.

 Si kastaba ha ahaatee,  2 ka mid ah Askarta Maraykanka ayaa lagu dilay gudaha Somalia, halka 4 kalena lagu dilay dalka Nayjar bishii October 4-dii ee sannadkii hore.

Latest stories