HomeCaalamka(DAAWO): Senator ku baaqay in la joojiyo Lacagaha la siiyo Ciiddanka Qaranka...

(DAAWO): Senator ku baaqay in la joojiyo Lacagaha la siiyo Ciiddanka Qaranka Somalia

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Washington (SBG)-  Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Federalka ee La-socodka Heshiisyadda iyo Maaraynta Gurmadka ee dalkaasi, Senator Rand Paul  ayaa ku baaqay in la joojiyo Lacagaha Canshuuraha ee la siiyo Ciiddanka DFS. Senator Rand Paul  oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto Gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay inay jiraan caddaymo muujinaya in Ciiddankaas qaarkood qeyb […]

- Advertisement -

Washington (SBG)-  Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Federalka ee La-socodka Heshiisyadda iyo Maaraynta Gurmadka ee dalkaasi, Senator Rand Paul  ayaa ku baaqay in la joojiyo Lacagaha Canshuuraha ee la siiyo Ciiddanka DFS.

Senator Rand Paul  oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto Gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay inay jiraan caddaymo muujinaya in Ciiddankaas qaarkood qeyb ka ahaayeen Ururka Al-qaacida, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

“Waxaa jira in 920  carruur la askareeyey, laguna khasbo inay dagaalamaan, waxaana jira caddaymo muujinaya  inay qaar ka mid ah Ciiddankaasi ka tirsan yihiin Al-qaacida iyo kuwo aan waxba dhaamin  Burcadda taagan Waddooyinka waa weyn” ayuu yiri Senator Senator Rand Paul oo Wareysi bixiyey Toddobaadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale, Waxa uu ku nuuxnuuxsaday inaysan wax fiican ahayn in Canshuurta dadka Maraykanka loo adeegsado Lacagaha Ciiddanka Somalia loogu iibiyo Labiska iyo in Mushaar ahaan loo siiyo.

Senator Rand Paul  oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto Gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka waxa uu tilmaamay in Khasaaraha Maraykanka sannadkan gaari doono Trillion Dollars, wuxuuna is-weydiiyey halka ay Lacagta ka imaanayso iyo xitaa waxa Labiska iyo Mushaarka looga dhigayey Ciiddanka Qaranka Somalia

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Xiriirka Maraykanka iyo Somalia inuu yahay mid ahmiyad u leh hadafyadda lagu taageerayo Siyaasadda iyo Deganaanshaha Dhaqaalaha iyo taageerida Xiisadaha Aadminimo iyo in laga hortago inaysan Somalia gabaad u noqoto Kooxaha Argagixisadda ee guud ahaan Caalamka.

Laakiin Hawlgalkaasi waxa uu ku dhow yahay inaysan suurtogal noqon Karin in la dhamaystiro, iyadoo uusan lahayn Kormeer Munaasab ah.

http://abcnews4.com/news/nation-world/lawmaker-calls-for-end-to-us-taxpayer-money-for-somali-national-army.

Muuqaalka Warkan ka Daawo Linkigan https://bit.ly/2LPagaT

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories