HomeWararSawirro:-Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta oo kormeeray Xarumaha Ciidanka Ammaanka ay ku leeyihiin...

Sawirro:-Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta oo kormeeray Xarumaha Ciidanka Ammaanka ay ku leeyihiin Duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kormeer ku tagay qeybo kamid ah Baraha Ciidanka ammaanka ay ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Labada Taliye, ayaa tagay Xaafado ku  yaallo duleedka Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeyso Taliska […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kormeer ku tagay qeybo kamid ah Baraha Ciidanka ammaanka ay ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Labada Taliye, ayaa tagay Xaafado ku  yaallo duleedka Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeyso Taliska Asluubta iyo Sarkuusta, halkaasi oo dhowaan la qorsheynayo in laga dhiso Saldhig Boolis, maadaama ay sii ballaaraneyso Muqdisho,  Xaafadahaasina  aysan laheyn Saldhig.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko , Taliyaha iyo taliye ku xiggeenka  Qeybta Booliska G/banaadir  iyo Saraakiil kale, ayaa sidoo kale  kormeeray halka uu marayo Mashruuc  ka kooban Xabsi iyo Xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka oo ka dhismaya KM7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluuba Soomaaliyeed.

inta ay ku guda jireen Kormeerka, ayaa Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta waxay soo mareen baraha kontoraal ee Ciidanka Ammaanka ku leeyihiin Deyniile, EX Kontarool Afgooye, Tarabuunka, Saldhiga Booliska Degmadda Xamar Jajab  iyo meelo kale, waxaana Ciidanka ay ku dhiiri geliyeen inay laba jibaaraan shaqada Qaranka ay u hayaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories