HomeWararSawirro:-Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya Horumarinta Adeegyada Caafimaadka

Sawirro:-Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya Horumarinta Adeegyada Caafimaadka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka DFS ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa baahinta adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur iyo howlwadeenada Wasaaradda, waxana dood dheer laga […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka DFS ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa baahinta adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur iyo howlwadeenada Wasaaradda, waxana dood dheer laga yeeshay sidii loo wanaajin lahaa tayada adeegyada iyo faya-dhowrkooda, si bulshadu u helaan adeeg caafimaad tayo sare leh.

- Advertisement -

“Waxaan ka wada hadalnay Wasaaradda isku xirka adeegyada Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa caafimaadka Gobolka Banaadir, maadaama bulshada ugu badan Gobollada dalka ay ku nool yihiin Caasimadda, waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaam caafimaad la isku halayn karo.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Mudane Eng. Yarisow ayaa ku tilmaamay kulankan dhex maray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS mid dhabaha u xaaraya in dadka Caasimaddu ay helaan adeegyo Caafimaad oo tayo leh, isla markaana labada dhinac ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta arrintan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir wada-shaqeynta kala dhaxeysa iyo sida ay mar walba diyaar ugu yihiin in Shacabka ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg Caafimaad wanaagsan.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories