HomeCaalamka(SAWIRO): Ra’isul-wasaraaha Ethiopia oo ku dhaartay inaysan waxyeeli doonin saamiga Masar ee...

(SAWIRO): Ra’isul-wasaraaha Ethiopia oo ku dhaartay inaysan waxyeeli doonin saamiga Masar ee biyaha Webiga Niil.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abby Ahmed Ali waxa uu magaca Rabbi ku dhaartay inuusan dalkiisa marnaba waxyeelli doonin Saamiga Masar ee Webiga Niil, xilli ay Dowladda Masar ka walaacsan tahay Dhismaha Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia ((The Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee laga dhisayo Webiga Niil. Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shir Jaraa’id […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abby Ahmed Ali waxa uu magaca Rabbi ku dhaartay inuusan dalkiisa marnaba waxyeelli doonin Saamiga Masar ee Webiga Niil, xilli ay Dowladda Masar ka walaacsan tahay Dhismaha Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia ((The Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee laga dhisayo Webiga Niil.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Madaxweynaha Masar C/fataax Al-sisi xalay ku qabteen Qasriga Itixaadiya ee magaalladda Qaahira.

- Advertisement -

“Annaga, marnaba dareen kama lihin inaan sabab u noqono waxyeelo kasta oo soo gaarta dalka Masar iyo dadkiis, waxaan doonaynaa inaan ka macaashno Webiga Niil, iyadoo aan la waxyeeli doonin Danaha Masaarida” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo intaasi ku daray inay doonayaan inay dib-u-dhisaan Kalsoonidii kala dhexeysay dalka Masar.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in sababaha uu u yimid Qaahira tahay sidii loo dhisi lahaa Kalsoonida labada Waddan, xalka Biyaha Webiga Niil, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Ethiopia doonayso inay kordhiyaan Saamiga Biyaha ee Masar.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi waxa uu soo dhaweeyey Niyadsamida uu muujiyey Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo booqasho 2 maalmood ah ku jooga Masar.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu xalay ka qeyb galay Munaasabad Afur ahayd oo uu Madaxweyne C/fataax Al-sisi ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Qaahira.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Iskaashiga Ganacsiga iyo Wershadaha, sidii ay Masar deegaan Wershadaysan uga dhisan lahaayeen gudaha Ethiopia, Maalgashiga Shirkadaha Khaaska ee Masar ee gudaha Ethiopia, dhiiri-gelinta suuq-geynta Xoolaha nool Ethiopia ee dalka Masar, Iskaashiga Beeraha, Kalluumeysiga iyo Qaddiyadaha ka taagan Afrika, gaar ahaan Xiisadaha ka aloosan dalalka Somalia, South Sudan iyo Xiriirka Ethiopia iyo Eritrea.

 

Xigasho Egypt Today

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories