HomeCaalamka(SAWIRO): 629 Muhaajiriin dul saaran Markab, loona diiday Dekeddaha Talyaaniga iyo Malta.

(SAWIRO): 629 Muhaajiriin dul saaran Markab, loona diiday Dekeddaha Talyaaniga iyo Malta.

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Dekeddaha Talyaaniga waxaa loo diiday Markab soo badbaadiyey in ka badan 600 Muhaajiriin. Dowladda cusub ee Talyaaniga waxay la kowsatay inay dalkeeda u diido inuu ku soo xirto Markab Samafal oo ay la socdeen 629 Tahriibayaal, kuwaasi oo haatan ku xayiran Badda Mediterranean. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Cusub ee Talyaaniga, Matteo Salvini ayaa la […]

- Advertisement -

Dekeddaha Talyaaniga waxaa loo diiday Markab soo badbaadiyey in ka badan 600 Muhaajiriin.

Dowladda cusub ee Talyaaniga waxay la kowsatay inay dalkeeda u diido inuu ku soo xirto Markab Samafal oo ay la socdeen 629 Tahriibayaal, kuwaasi oo haatan ku xayiran Badda Mediterranean.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Cusub ee Talyaaniga, Matteo Salvini ayaa la sheegay inuu diiday in Markabkaasi ku soo xirto Dekedaha Talyaaniga.

Matteo Salvini  oo bishan June 1-dii  loo dhaariyey Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga waxa uu Xisbigiisa Midigta Fog ee (Lega Nord) waxa uu Ololihii Doorashadda ballan qaaday inay Ajendahooda Koowaad noqon doono sidii loo joojin lahaa Muhaajiriinta ku soo qulqulayso Talyaaniga, wuxuuna ballan qaaday inuuu dib u celin doono Nus million Muhaajiriin sharci-darro ku joogta dalka Talyaaniga.

- Advertisement -

Markabka wada Muhaajiriinta oo lagu magacaabo  “The Aquarius” waxaa loo diiday inuu ku xirto Dekedaha Talyaaniga iyo Jesiiradda Malta, waxayna Shaqaalaha Markabka sheegeen inay haystaan cunto ku filan ilaa caawa oo Isniin ah, waxayna codsadeen in loo oggolaado Deked ay ku soo xirtaan.

Muhaajiriinta la socda Markabkaasi kama war hayaan Diplomaasiyadda Cakiran iyo sida ay Dowladaha Talyaaniga iyo Malta dhabarka uga jeediyeen Qaabilaadooda.

Muhaajiriinta la socota Markabkaasi waxaa ka mid ah 123 dad da’ yar oo aysan cidna la soconin, 12 carruur iyo 9 Haween oo Xaamilo ah.

Kooxda Samafalka ee  SOS Mediterranee waxay sheegtay inay Markabka “the Aquarius”  la socdaan 400 Muhaajriin oo ay ku wareejiyeen Markab Dagaal oo laga leeyahay Talyaaniga, Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga iyo Shirkado Maraakiib Xamuul oo iyagu Muhaajiriintaasi ku so obadbaadiyey 6 Hawlgal.

Markabkaasi ayaa la sheegay inuu tagaan yahay meel 35 nautical miles ee Xeebaha Talyaaniga iyo  27 nautical miles ee Malta, waxayna Muhaajiriinta u muuqdaan kuwo taagan meel geeri-go’an ah, iyagoo aan ogeyn halka loo jiheyn doono iyo muddada ay Markabka dul saarnaan doonaan.

Si  kastaba ha ahaatee, Markabka ayaa weli war ka sugaya Dowladaha Talyaaniga iyo Malta oo iyagu u muuqda inaysan ka walaacsanayn nolosha Muhaajiriinta la soo badbaadiyey, kuwaasi oo diif iyo daal badan ka muuqdo.

WQ. Ustaad Nuradin

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories