HomeCaalamkaDiyaarad Dagaal oo ay Milliteriga Maraykanka lahaayeen oo ku burburtay dalka Japan

Diyaarad Dagaal oo ay Milliteriga Maraykanka lahaayeen oo ku burburtay dalka Japan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa F 15 Eagle waxay Waaberigii hore ee saakayto ku burburtay meel 80-KM dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda Naba ee Jesiiradda Okinawa ee dalka Japan. Twitter-ka Ciiddanka Cirka ee Maraykanka ka jooga Saldhiggs Kadena ayaa lagu qoray in Duuliyihii Diyaaradda uu ka badbaaday shilkaasi, isla markaana ay Kooxaha Gurmadka soo badbaadiyeen. Warar […]

- Advertisement -

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa F 15 Eagle waxay Waaberigii hore ee saakayto ku burburtay meel 80-KM dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda Naba ee Jesiiradda Okinawa ee dalka Japan.

Twitter-ka Ciiddanka Cirka ee Maraykanka ka jooga Saldhiggs Kadena ayaa lagu qoray in Duuliyihii Diyaaradda uu ka badbaaday shilkaasi, isla markaana ay Kooxaha Gurmadka soo badbaadiyeen.

- Advertisement -

Warar ayaa sheegaya in Duuliyaha uu lug ka jabay, laguna daaweynayo Isbitaal ay leeyihiin Saldhigga Ciiddanka Badda Maraykanka ee ku sugan dalka Japan.

Duuliyaha oo keliya ayaa la socday Diyaaradaasi oo duullimaad tababar ku jirtay markii ay dhacaysay.

Ku-dhawaad 18,000 oo Askar Maraykan ah iyo in ka badan 4,000 oo shaqaale ayaa ku sugan Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Kadena ee dalka Japan, waana Saldhigga ugu weyn ee ay Milliteriga Mraaykanka ku leeyihiin dalkaasi oo marti-geliyey ku-dhawaad 47,000 oo Askar Maraykan ah, kuwaasi oo ku jooga Heshiis dhinaca Ammaanka oo  labada Waddan u dhexeeya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories