HomeCaalamka(SAWIRO): Laacibka Maxamed Saalax iyo Xulka Faraaciinta oo diyaar-garowgii u dambeeyey ugu...

(SAWIRO): Laacibka Maxamed Saalax iyo Xulka Faraaciinta oo diyaar-garowgii u dambeeyey ugu jira Koobka Adduunka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Weerar-yahanka Kooxda Liverpool FC, Maxamed Saalax waxa uu Madaxweyne C/fataax Al-sisi u xaqiijiyey inuu ka soo kabtay dhaawacii Garabka ka soo gaaray Ciyaartii Finalka ee ay Kooxdiisa bishii May 30-dii la yeesheen Kooxda Real Madrid ugu tartamayeen Koobka Horyaalka Europe ee “The Champions League”. Waxaana uu tilmaamay inuu Ilaah idinkiisa rajeynayo inuu ka qeyb galo […]

- Advertisement -

Weerar-yahanka Kooxda Liverpool FC, Maxamed Saalax waxa uu Madaxweyne C/fataax Al-sisi u xaqiijiyey inuu ka soo kabtay dhaawacii Garabka ka soo gaaray Ciyaartii Finalka ee ay Kooxdiisa bishii May 30-dii la yeesheen Kooxda Real Madrid ugu tartamayeen Koobka Horyaalka Europe ee “The Champions League”.

Waxaana uu tilmaamay inuu Ilaah idinkiisa rajeynayo inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka, isagoo ka qeyb geli doona Ciyaartiisa  ugu horreysay ee ay Xulka Qaranka Masar la ciyaari doonaan Xulka Qaranka Uruguay.

- Advertisement -

- Advertisement -

Dhinaca kale, Laacibka Maxamed Saalax waxa uuu ka mid noqday Liiska Xulka Qaranka Masar  ee Isniintii hore lagu dhawaaqay, kuwaasi oo la filayo inay saacadaha soo socda u ambabaxaan dalka Raashiya, si ay uga qeyb galaan Koobka Adduunka.

Xulka Masar oo lagu naaneyso Faraaciinta waxay xalay tababarkoodii ugu dambeeyey ku qaateen gudaha Masar, waxaana la filayaa inay maanta u ambabaxaan dalka Raashiya.

Bishan June 19-da waxay Xulka Masar is-arki doonaan Xulka Raashiya, halka ay bishan  25-da isku dhici doonaan Xulka Sacuudiga.

WQ: Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories