HomeCaalamka(SAWIRO): Boqolaal Tahriibayaal ku sii jeeday Europe oo lagu qabtay Badda Mediterranean

(SAWIRO): Boqolaal Tahriibayaal ku sii jeeday Europe oo lagu qabtay Badda Mediterranean

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ilaaladda Xeebta ee dalka Liibiya waxay sheegeen inay qabteen 2 dooni oo ay la socdeen in ka badan 150 Tahriibayaal isugu jiray Afrikaan iyo Carab, mana jirto wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyey  dalalka ay Tahriibayaasha ka soo jeedaan, isagoo ku gaabsaday inay isugu jiraan Carab iyo Afrikaan. Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha dalkaasi, Ayuub Qasiim […]

- Advertisement -

Ilaaladda Xeebta ee dalka Liibiya waxay sheegeen inay qabteen 2 dooni oo ay la socdeen in ka badan 150 Tahriibayaal isugu jiray Afrikaan iyo Carab, mana jirto wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyey  dalalka ay Tahriibayaasha ka soo jeedaan, isagoo ku gaabsaday inay isugu jiraan Carab iyo Afrikaan.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha dalkaasi, Ayuub Qasiim oo la hadlay Wakaalladda Wararka XINHUA ayaa sheegay in mid ka mid ah Tahriibayaasha u badan tahay inuu ku degay Badda.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in doonida Koowaad lagu qabtay meel 32 KM u jirta Xeebta Degmadda Zuwara oo Galbeed ka xigta Caasimadda dalkaasi ee Tripoli, iyadoo doonida Labaad lagu qabtay  meel 32 KM u jirta Xeebta Degmadda Garabuli ee Bariga kaga toosan magaalladda Tripoli.

Afhayenka waxa uu sheegay in Tahriibayaasha la soo qabtay lagu hayo Saldhig ay Ciiddanka Badda ku leeyihiin Tripoli, iyagoo la siiyey taageero Dawao iyo Samafal kale.

- Advertisement -

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Liibiya waxa kale oo uu sheegay inay Tahriibayaashaasi u gacan geliyeen Waaxda La-dagaalanka socdaalka sharci-darradda.

Dhinaca kale, Ciiddanka Badda ee dalka Spain waxay shalay gacanta ku dhigeen 231 Tahriibayaal Afrikaan ah oo doonaysay inay ka gudbaan Badda Mediterranean si ay u gaaraan Qaaradda Europe.

Tahriibayaashaasi waxay la socdeen 6 dooni oo ka soo shiraacatay Xeebaha Waqooyiga Afrika.

Xigasho: XINHUA & AP

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories