HomeCaalamkaMaraykanka oo sheegay inay kordhin doonaan La-dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maraykanka oo sheegay inay kordhin doonaan La-dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Milliteriga Maraykanka ayaa sheegay inay guddoonsadeen inay xaqiijiyaan dagaalkooda ka dhanka ah  Al-Shabaab iyo cabsida ay Kooxda Daacish ku hayaan Somalia. Hadalka Milliteriga Maraykanka ayaa soo baxay, kadib, markii hal Askari oo Maraykan ah Jimcihii lagu dilay dagaal ay Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa DFS la galeen Alshabaab, kaasi oo ka dhacay Deegaanka Sanguuni ee duleedka […]

- Advertisement -

Milliteriga Maraykanka ayaa sheegay inay guddoonsadeen inay xaqiijiyaan dagaalkooda ka dhanka ah  Al-Shabaab iyo cabsida ay Kooxda Daacish ku hayaan Somalia.

Hadalka Milliteriga Maraykanka ayaa soo baxay, kadib, markii hal Askari oo Maraykan ah Jimcihii lagu dilay dagaal ay Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa DFS la galeen Alshabaab, kaasi oo ka dhacay Deegaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

- Advertisement -

Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser waxa uu sheegay inay Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka sii wadi doonaan inay Ciiddanka AMISOM kala qeyb galaan sidii loo wiiqi lahaa waxa uu ugu yeeray Cabsida Kooxaha Xag-jirka ee ku sugan Geeska Afrika, waa sida u uhadalka u dhigay.

Hadal-qoraal oo uu Taliyaha Taliska AFRICOM soo saaray waxa uu ku sheegay in Istaraatijyadda Maraykanka ee Bariga Afrika tagay sidii loo dhisi lahaa Awoodda AMISOM iyo Ciiddanka DFS ee looga hortegi lahaa colaadaha ay Kooxaha Xag-jirka ku doonayaan inay ku waxyeeleeyaan Gobalka, Qaaradda Europe, isla markaana doonaya inay ugu dambeyn waxyeello gaarsiiyaan dalka Mraaykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser waxa uu ka hadlay Askartii Maraykanka ee lagu dhaawacay Dagaalkii Alshabaab kula galeen Sanguuni, wuxuuna tilmaamay in Askartaasi lagu daaweeyey Kenya, isla markaana ay sugayaan sidii loogu qaadi lahaa daaweyn dheeraad ah

- Advertisement -

Hadalka Sarkaalkaasi ayaa yimid, kadib, markii Askari Maraykan ah la dilay, 4 kalena lagu dhaawacay Dagaalkii Jimcihii ka dhacay Deegaanka Sanguuni oo qiyaastii 350 KM dhanka K/galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho..

Si kastaba ha ahaatee, Taliska AFRICOM waxay sheegeen inay doonayaan inay Ciiddanka DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda la wareegaan Ammaanka Somalia marka ay Ciiddanka AMISOM kala wareegaan Mas’uuliyadda Ammaanka Somalia.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories