HomeCaalamkaSoomaaliya oo markii ugu horeysay Ciyaartooy u dirtay Koobka Adduunka?

Soomaaliya oo markii ugu horeysay Ciyaartooy u dirtay Koobka Adduunka?

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa 3 ciyaartooy u direy dalka Ruushka, halkaas oo ay u daawasho tagayaan ciyaaraha, islamarkaasna qeyb ka noqonayaan ciyaartooy badan oo adduunka laga kala keenayo. Guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Siciid ayaa sheegay in xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay soo codsatay dhalinyarada “Dhalinyaro ciyaartooy oo 3 ah ayaan dirnay, waxa ay […]

- Advertisement -

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa 3 ciyaartooy u direy dalka Ruushka, halkaas oo ay u daawasho tagayaan ciyaaraha, islamarkaasna qeyb ka noqonayaan ciyaartooy badan oo adduunka laga kala keenayo.

Guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Siciid ayaa sheegay in xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay soo codsatay dhalinyarada “Dhalinyaro ciyaartooy oo 3 ah ayaan dirnay, waxa ay qeyb ka yihiin barnaamij FIFA ay ugu magacdartay Saaxiibtinimada Kubbada Cagta, waxayna tageen Moscow, ujeedkana waxa ay tahay in dhalinyarada adduunka ka imanaya ee ka kala imanaya qaaradaha kale duwan ee adduunka ay is dhaxgal sameeyaan”.

- Advertisement -

Waxa ay da’dooda ka hooseysaa 17 jirada, waxayna ka dheelaan booska difaaca, taas oo ahayd shuruudii ay FIFA u baahnayd.

Soomaaliya waligeed kama aysan qeybgalin ciyaaraha adduunka, balse waa markii koowaad oo ciyaartooy Soomaali ah ay si rasmi ah qeyb uga noqonayso ciyaaro qeyb ka ah koobka adduunka, inkasta oo aysan ahayn kuwa rasmi ah, islamarkaasna koox ahaan aysan u dheeleynin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories