HomeCaalamkaSawirro:-Saraakiil Soomaali ah oo tababar ugu soo Geba gaboobey Turkiga

Sawirro:-Saraakiil Soomaali ah oo tababar ugu soo Geba gaboobey Turkiga

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Dowladda Turkiga ayaa wadankeeda tababar ugu soo geba gebeysay saraakiil iyo saraakiil xigeen oo Soomaali ah,kuwaasi oo in muddo ah dalkaasi Turkiga ku baranayaya casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kaladuwan ee ciidamadu ay leeyihiin. Tababarkani oo in muddo ah socday ayaa waxaa loo qabtay in kabadan 60 qof oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil […]

- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa wadankeeda tababar ugu soo geba gebeysay saraakiil iyo saraakiil xigeen oo Soomaali ah,kuwaasi oo in muddo ah dalkaasi Turkiga ku baranayaya casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kaladuwan ee ciidamadu ay leeyihiin.

Tababarkani oo in muddo ah socday ayaa waxaa loo qabtay in kabadan 60 qof oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo Soomaali ah,waxaana ay tababarada la qaateen askar ka socotay Gaashaanbuurta NATO iyo kuwo kale oo ka kala socoda Afrika iyo Qaaradda Assia.

- Advertisement -

Gaashanle Maxamed Tahliil Maxamed oo kamid ah saraakiisha tababarka ku soo qaatay Dalkaasi Turkiga ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay barteen iyo sida ay ugu faraxsan yihiin.

“Waxaa nahay 63 oo saraakiil iyo saraakiil xigeeno ah ayaa nahay,waxaan baranaya Fakaltiyo kaladuwan oo ciidanka Xooga Dalka ah,waxaan ku faraxsanahay in aan tababar la qaadanaya ilaa 36 Dowladooda askartooda,kuwaasi oo ka kala socda NATO,Afrika iyo Assia intaba ka socda,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta qalinjebino,waxaan aad u soo dhaweynaynaa oo aan ku faraxsanahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay halkani munaasabadda nagala soo qeybgalaan, mahad ballaaran ayaan u celinaynaa dowladda Turkiga oo walaalaha nahay sida ay inoo garab taagan tahay”. Ayuu yiri Gaashaanle Tahliil.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo qalabaynta ciidamada,iyadoo askar badan tababaro ay ku soo qaateen dalkaasi.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories