HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo Xariga ka jaray Waddada Isku xirta Madaxtooyada iyo Dekedda

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo Xariga ka jaray Waddada Isku xirta Madaxtooyada iyo Dekedda

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho taas oo dhawaan dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhismaha waddooyinku ay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta bilicda,hormarinta amaanka,abuurista shaqooyinka iyo sidii Caasimaddu ay u heli […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho taas oo dhawaan dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhismaha waddooyinku ay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta bilicda,hormarinta amaanka,abuurista shaqooyinka iyo sidii Caasimaddu ay u heli lahayd dariiqa saxda ah ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska. Isagoo tilmaamay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Maamulka, bixiyaan canshuuraha, qeyb muhiim ahna ka qaataan dib-u-dhiskiisa dalkoodana.

- Advertisement -

“Waxaan shacabka Muqdisho kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda Caasimadda iyo dib-u-dhiska waddooyinka burbursan, Waxaan rabnaa in aan dib u soo celinno quruxdii Caasimadda aana si dhammeystiran uga saarno dhaawacyada ay geysteen dagaallada sokeeye, dhismaha waddooyinkuna waxay soo celinayaan ganacsiga , horumarka, bilicda iyo amniga, runtiina tani waxay ku timid iskutashiga Dawladda Hoose iyo dadka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sidoo kale, waxaa Munaasabadda furitaanka Waddadan hadallo ka jeediyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud iyo Maamulka degmada Xamar-Jajab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories