HomeCaalamkaSawirro:-Askar Maraykan oo dil iyo dhaawac kala kulmay Dagaal ay Al-Shabaab kula...

Sawirro:-Askar Maraykan oo dil iyo dhaawac kala kulmay Dagaal ay Al-Shabaab kula galeen Jubbooyinka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Hadal ka soo baxay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentaagon-ka ayaa lagu sheegay in Hal Askari oo Mraaykan ah  la dilay, 4 kalena lagu dhaawacay Weerar Jid-gal ah oo ka dhacay deegaan ka tirsan Jubbaland, oo qiyaas ahaan meel 220 mayl dhanka K/Galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho. Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentaagon-ka ayaa lagu sheegay in Hal Askari oo Mraaykan ah  la dilay, 4 kalena lagu dhaawacay Weerar Jid-gal ah oo ka dhacay deegaan ka tirsan Jubbaland, oo qiyaas ahaan meel 220 mayl dhanka K/Galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa iyagana xaqiijiyey Dhacdadaasi, waxayna sheegeen in Ciiddankaasi qeyb ka ahaayeen Ciiddan ballaaran oo tiradoodu dhamayd 800 Askari oo isugu jirtay Somali, Kenyan iyo Maraykan, kuwaasi oo ka qeyb galayey Hawlgal ka dhan Dagaalamayaasha Alshabaab.

- Advertisement -

AFRICOM waxay sheegeen in Ciiddanka Huwanta ay Alshabaab kala kulmeen Weerar Hoobiyayaal iyo hub fudud abaarihii 02:45 daqiiqo ee duhurnimadii shalay oo Jimco ahayd, taasina ay sababtay dhimashadda Hal Askari oo Mraaykan ah, dhaawaca 4 kale iyo Askari ka tirsanaa Ciiddanka Somalia.

Qoraalka laguma sheegin inay Ciiddanka Maraykanka qeyb ka ahaayeen Ciiddanka Soomaalida ama kuwa Kenya ee qeybta ka ahaa Hawlgalkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inay niyadiisa la jirto qoysaska Askari la dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu Askartaasi ku sheegay inay xaqiiqdii yihiin dhamaantodoa Geesiyaal, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Askariga Maraykanka ee shalay lagu dilay duleedka Kismaayo ayaa ah kii 2-aad ee lagu dilo Somalia, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Trump, waxaana Askarigii 1-aad lagu dilay Gobalka Sh/hoose bishii May ee sannadkii hore.

Ku-dhawaad 500 Askar Maraykan ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo ay ku jiraan Ciiddanka Khaaska iyo kuwa Badda, kuwaasi oo la sheegay inay  leetyihiin Tababar aad u sarreeya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories