HomeCaalamkaIiraan oo sheegtay inay Hawlgal ka fuliyeen Gudaha Somalia

Iiraan oo sheegtay inay Hawlgal ka fuliyeen Gudaha Somalia

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Mahmoud Alavi ayaa sheegtay inay Ciiddankiisa qaadeen Hawlgal ka fuliyeen gudaha Somalia, kuna soo furteen 4 Kalluumeysato Iiraaniyiin oo afduub loo haystay tan iyo sannadkii 2015-ka. Wasiirka waxa uu Suxufiyiinta u sheegay mar uu Kulan la yeeshay Kalluumeysatada la sheegay in Afduub loogu haystay Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay ilaalo […]

- Advertisement -

Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Mahmoud Alavi ayaa sheegtay inay Ciiddankiisa qaadeen Hawlgal ka fuliyeen gudaha Somalia, kuna soo furteen 4 Kalluumeysato Iiraaniyiin oo afduub loo haystay tan iyo sannadkii 2015-ka.

Wasiirka waxa uu Suxufiyiinta u sheegay mar uu Kulan la yeeshay Kalluumeysatada la sheegay in Afduub loogu haystay Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay ilaalo dhinaac Sirdoonka ah ku haayeen Badmaaxiintaasi, tan iyo markii ay Burcad-baddeeda afduubteen sannadkii 2015-kii.

- Advertisement -

Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Mahmoud Alavi waxa kale oo uu sheegay inuu Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani bixiyey Amarka ay Ciiddanka ka socda Wasaaradda Amniga Iiraan ku fuliyeen Hawlgalka ay 4-ta Kalluumeysato kaga soo badbaadiyeen Somalia

Afarta Kalluumeysatada Iiaraniyiinta ee la sheegay in laga soo furtay Burcad-baddeeda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Mascuud Baluuji, Axmed Baluuji, Aadam Baluuji iyo Shermad Tabax Zeer.

- Advertisement -

Bishii October 18-dii ee saannadkii hore, Agaasimaha Ururka Kalluumeysatada Iiraan, Caalim Afshar waxa uu sheegay in tirada Kalluumeysatada Iiraan ee ay Burcaad-baddeeda afduubka u haysato ay gaarayeen 44 Kalluumeysato.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories