HomeCaalamkaDuqa Muqdisho oo joojiyey hawlaha Dhul-simidda iyo Kaawo qodista ee Kawaan Bari

Duqa Muqdisho oo joojiyey hawlaha Dhul-simidda iyo Kaawo qodista ee Kawaan Bari

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawllaha dhul-simidda iyo kaawo qodista ee ka socda agagaarka Kawaan Bari bacdamaa ay keeneysa Khatarro hor leh. Eng Yarisow oo digreetada dhulkan lagu joojiyey soo saaray ayaa tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in sifo aan […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawllaha dhul-simidda iyo kaawo qodista ee ka socda agagaarka Kawaan Bari bacdamaa ay keeneysa Khatarro hor leh.

Eng Yarisow oo digreetada dhulkan lagu joojiyey soo saaray ayaa tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu dhiso dhulalka danta guud iyo kuwa dadweynaha.

- Advertisement -

“Maamulka Gobolka Banaadir waxuu masuul ka yahay ilaalinta iyo hubinta sax ahaanshaha sharciga iyo in wax walba loo maro habraac saxda ah kaasoo dhabaha u xaaraya in qof walba uu ku helo caddaalad waxa uu xaqa u leeyahay, waana taas midda aan rabno in lagu hago wax walba oo Dawladda Hoose ka soo baxaya.” ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo intaas ku daray in arrintani looga golleeyahay hubinta dhulalka la dhisanayo ee aan marin habraacii loo baahnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u digay ganacsatada iyo shaqsiyaadka ku howllan burburinta dhagaxaanta celiya Biyaha Badda oo ka dhalan karaan khataro, maadaama la burburiyey dhagaxyadii iyo ciiddii celinaysay biyaha Badda oo keeni karta in mustaqbalka fog iyo midka dhow ay baddu ku fatahdo magaalada.

Duqa Caasimadda ayaa horey u joojiyay dhismayaal danta guud ah, isla markaana shaqsiyaadkii lagu tuhunsanaa u gudbiyey hay’adaha sharciga.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories