HomeCaalamkaAmiir Imaaraad ah oo u goostay Qatar magangelyana weydiistay

Amiir Imaaraad ah oo u goostay Qatar magangelyana weydiistay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa qoray in wiil uu dhalay Amiirka Imaaradda Al-Fujayra ee dalka Imaaraadka Carabtu goostay oo uu magan gelyo siyaasadeed waydiistay Qatar, codsigiisana sii mariyey safaaradda Qatar ku leedahay London. Xogo laga helayo dad u dhawdhaw Amiirka goostay oo magaciisa la yidhaa Sheekh Raashid Bin Xamad Al-Sharqi, iyo […]

- Advertisement -

Wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa qoray in wiil uu dhalay Amiirka Imaaradda Al-Fujayra ee dalka Imaaraadka Carabtu goostay oo uu magan gelyo siyaasadeed waydiistay Qatar, codsigiisana sii mariyey safaaradda Qatar ku leedahay London.

Xogo laga helayo dad u dhawdhaw Amiirka goostay oo magaciisa la yidhaa Sheekh Raashid Bin Xamad Al-Sharqi, iyo sida oo kale xogo diblomaasiyadeed oo wargaysku ku sheegay kuwo heer sare ah, ayaa waxay sheegeen Amiirka goostay oo 31 jir ahi inuu u duulay magaalo madaxda Qatar ee Dooxa saddex todobaad ka hor.

- Advertisement -

5-tii Juun ee sannadkii hore ayaa Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar u jareen xidhiidhkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsiba Qaar waxaana la joojiyey gaadiidkii u kala gooshi jiray.

Dalalkaasi waxay ku eedeeyeen Qatar in ay taageerto aragagixisada iyo in ay xasilooni darro ka abuurayso gobolka iyo sidoo kale in ay xidhiidh adag la yeelatay Iran.

Hase yeeshee Qatar way beenisay eedahaas waxaanay ganafka ku dhufatay shuruuudo tiro badan oo dalalkaasi ku xidheen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories