HomeCaalamkaKenya oo mar kale ka digtay weerarro kaga yimmaadda Al-Shabaab

Kenya oo mar kale ka digtay weerarro kaga yimmaadda Al-Shabaab

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa mar kale ka digay weerarro kaga yimmaadda dhanka Al-Shabaab inta lagu guda jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan. War saxaafadeed ka soo baxay Shalay Khamiistii, Boliiska Kenya ayaa lagu sheegay in ay heleen xog la isku halayn karo oo ah in Al-Shabaab qorsheynayaan weerarro, iyagoo beegsanaya kaabayaasha muhiimka ah ee Mandheera, […]

- Advertisement -

Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa mar kale ka digay weerarro kaga yimmaadda dhanka Al-Shabaab inta lagu guda jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

War saxaafadeed ka soo baxay Shalay Khamiistii, Boliiska Kenya ayaa lagu sheegay in ay heleen xog la isku halayn karo oo ah in Al-Shabaab qorsheynayaan weerarro, iyagoo beegsanaya kaabayaasha muhiimka ah ee Mandheera, Wajeer, Gaarisa iyo Gobollada xeebta.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Boliiska Kenya oo lagu Magacaabo Charles Owino, ayaa sheegay in kooxahan ay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha maamulka iyo Saraakiisha muhiimka ah, wuxuuna ku hanjabay inay ka war hayaan damacooda iyaguna ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay kaga hor tagayaan falalka argagixisada.

Dowladda Kenya ayaa marar badan ka digtay weerarrada Al-Shabaab gaar ahaan Bisha barakaysan ee Ramadaan, markaas oo ay kordheen  weerarrada iyo dilalka qorsheysan.

Dhawaan ayay ahayd markii Shan Sarkaal oo ka tirsanayd Ciidanka la dagaallanka argagixisada ee GSU loo yaqaan ay u dhinteen Miino kula qaraxday Gaadiidkii ay wateen degaanka Xaar-xaar oo ka tirsan Libooya Kenya, halkaasoo uu dhaawac ka soo gaaray Saddex kale oo isla Ciidankaasi ka mid ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories