HomeCaalamkaKENYA: Dacwad loo haysto Ganacsato Soomaali lagu qabtay Kontorobaan oo dib loo...

KENYA: Dacwad loo haysto Ganacsato Soomaali lagu qabtay Kontorobaan oo dib loo dhigay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Boliska Kenya waxay ka codsadeen Maxkamadda Milamani ee magaalladda Nairobi in loo fasaxo inay 3 Ganacsato Somali-Kenyan sii hayaan muddo 21-maalmood, si ay u dhamaystiraan baaritaanka Dacwadaha loo haysto. Mid ka mid ah Dembi-baarayaasha Boliska Kenya oo lagu magacaabo Moses Gitauthi ayaa u sheegay Maxkamadda inay u baahan yihiin Waqti dheeraad si ay baaritaankooda ugu […]

- Advertisement -

Boliska Kenya waxay ka codsadeen Maxkamadda Milamani ee magaalladda Nairobi in loo fasaxo inay 3 Ganacsato Somali-Kenyan sii hayaan muddo 21-maalmood, si ay u dhamaystiraan baaritaanka Dacwadaha loo haysto.

Mid ka mid ah Dembi-baarayaasha Boliska Kenya oo lagu magacaabo Moses Gitauthi ayaa u sheegay Maxkamadda inay u baahan yihiin Waqti dheeraad si ay baaritaankooda ugu ballaariyaan magaalladda Mombasa, halkaasi oo Sonkorta Kontorobaanka ee laga keenay dalka Brazil laga soo dejiyey.

- Advertisement -

  

Mos es Gitauthi waxa uu Maxkmadda u sheegay inay Ganacsatada khatar ugu jiraan inay dhoofaan haddii Damiin lagu si idaayo ama ay Sonkorta kala baxaan Bakhaarka ku yaalla Xaafadda Section 3 ee Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ganacsatadaasi oo lagu kala magacaabo Daahir Xasan, Maxamed Axmed iyo Axmed Sheekh waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Milamani ee magaalladda Nairobi, waxaana la sheegay inaysan codsanin Rafcaan.

- Advertisement -

Garsooraha Maxkamadaasi, Martha Mutuku ayaa la filayaa inuu berrito ku dhawaaqo haddii la oggolaaday Codsiga Boliska ku doonayaan inay Xabsiga ku sii hayaan Ganacsatadaasi oo haatan ku xiran Saldhigga Boliska ee Shauri Moyo ee magaalladda Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee, Ganacsatadaasi waxaa la sheegya in bilowgii isbuucan lagu qabtay  1,474 loor oo Sonkor Kontorobaan ah.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories