HomeWararFAALLO: Sidee lagu mideyn karaa Aragtiyaha Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyada ?

FAALLO: Sidee lagu mideyn karaa Aragtiyaha Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyada ?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Inkastoo ay Siyaasiyiinta DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku mideysnayn Aragiyo badan oo qeyb ka ah Danaha Qaranka ayaa waxaa haddana la isweydiin karaa Sidee loo mideyn karaa Aragtidooda kala jaanka ah? Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Siyaasadda Somalia haatan taagan tahay Figtii ugu khatarta badnayd, marka loo eego Deganaanshihii Siyaasadeed ee ay Dowladihii hore ku soo waayo […]

- Advertisement -

Inkastoo ay Siyaasiyiinta DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku mideysnayn Aragiyo badan oo qeyb ka ah Danaha Qaranka ayaa waxaa haddana la isweydiin karaa Sidee loo mideyn karaa Aragtidooda kala jaanka ah?

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Siyaasadda Somalia haatan taagan tahay Figtii ugu khatarta badnayd, marka loo eego Deganaanshihii Siyaasadeed ee ay Dowladihii hore ku soo waayo qaateen.

- Advertisement -

Waana Dhab in Madaxda DF iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ku kala aragti duwan yihiin qoddobo muhiim ah, balse waxaa aad indhaha loogu hayaa Milanka Khilaafka Khaliijka ee loo soo xawilay Geeska Afrika.

Khilaafka Khaliijka ayaana laga digay inay saamayn khatar leh ku yeelan karo Mustaqbalka Dowladeed, Iskaashiga DFS iyo Maamul-gobaleedyadda, iyadoo ay muuqdaan raad-raacyo sugan oo lagu kala taageerayo dalalka ku lugta leh Khilaafka Khaliijka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Siyaasiyiinta Xilligan doonaynin inay si qoto dheer uga doodaan saamaynta Khilaafkaasi, si loo helo Midnimo Siyaasadeed oo la isaga moosi karo cawaaqib-xumida ka dhalan karta Khilaafka Khaliijka.

- Advertisement -

Aragtiyaha Qunyar-socodka ayaana ku fasiraya Kooxeysiga Khilaafka Khaliijka inay udub-dhexaad tahay Dhaqaalaha Siyaasadeysan ee ay Dowladaha Carabta ee is-khilaafsan ugu deeqaan Madaxda Soomaalida ee iyaga kala taabacsan.

Mowqifka Madaxda Dowlad-gobaleedyadda waxay ku taageereen Sacuudiga iyo Imaaraadka, sida laga dareemi karo Socdaalka Dufanaysan ee ay ku tagaan dalalkaasi.

Inkastoo ay DFS ka qaadatay mowqif dhexdhexaadnimo Khilaafka Khaliijka, haddana Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka waxay far ku go’deen Dhexdhexaadnimadda DFS, kuna tilmaameen Xeellad Siyaasadeed Casriyeysan oo uu dhabarku muuqdo, waa sida ay hadalka u dhigaan.

Haddaba, waxaa isweydiin mudan Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaledyadda maxay u kari la’ yihiin inay Mowqif Mideysan ka qaataan Khilaafka Khaliijka, si looga badbaado Khataraha Khilaafka Khaliijka ee  xilliga dhow iyo kuwa Waqtiga dheer.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay DFS iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyadda iska indha tiraan Khatarta Khilaafkaasi, kana meermeeraan inay ka heshiiyaan Arrintaasi, waxaa la filan karaa Deganaansho La’aan Siyaasadeed iyo in la baylihiyo Danaha iyo Asaaska Badbaadada Qaranka iyo in Somalia loo soo xawilo Dgaal nooc cusub xambaarsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories