HomeCaalamkaAskari Ugandhees oo la sheegay inuu xaday Ari’ oo la dilay.

Askari Ugandhees oo la sheegay inuu xaday Ari’ oo la dilay.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wargeyska The Monitor ayaa qoray in Askari ka tirsan Ciiddanka Difaaca Dadka ee UPDF habeenkii Talaadada  lagu dilay Tuulladda Anyola, kadib, markii uu haweeney da’ ah ka xaday 3 neef oo Ari’ ah. Asksrigaasi oo lagu magacaabi jirey Fred Otim waxa uu ka tirsan Guutadda Alpha Battalion ee saldhigoodu yahay Degmadda Oyam. Dadka deggan Tuulladda […]

- Advertisement -

Wargeyska The Monitor ayaa qoray in Askari ka tirsan Ciiddanka Difaaca Dadka ee UPDF habeenkii Talaadada  lagu dilay Tuulladda Anyola, kadib, markii uu haweeney da’ ah ka xaday 3 neef oo Ari’ ah.

Asksrigaasi oo lagu magacaabi jirey Fred Otim waxa uu ka tirsan Guutadda Alpha Battalion ee saldhigoodu yahay Degmadda Oyam.

- Advertisement -

Dadka deggan Tuulladda Anyalo ayaa la sheegay inay Askariga garaaceen ilaa uu ka geeriyoodo.

Fred Otim oo 48-jir ah ayaa lagu helay inuu Haweeney carmal ah (Ninkeeda dhintay) oo 62-jir uu ka xaday 3 neef oo Ari’ ah.

Haweeneydaasi waaa lagu magacaabaa Anjulet Amongi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu lahaa 3 guri, oo mid ku dhex yaalla Xeradda Ciiddanka ee Looro ee uu ka tirsan yahay, halka 2 kalena ku yaallaan meel ka baxsan Xerada, wuxuuna ku kaydsan jirey alaabta uu soo xado.

Askariga waxaa wehlisay 2 Tuug, kuwaasi oo iyagoo tacbaan ah loo qaaday Isbitaalka, halka uu isagana isla goobta ku naf waayey.

Afhayeenka Boliska Degmadda Oyam, Victor Saasi Kule waxa uu xaqiijiyey dhacdada lagu dilay Askarigaas, oo maydkiisa la dhugay Qeybta lagu kaydiyo maydadka ee Xarunta Caafimaadka ee Anyeke.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories