HomeCaalamka(SAWIRO): Tahriibayaal Ethiopian ka ambabaxday Bosaaso oo ku geeriyootay Xeebaha Yemen.

(SAWIRO): Tahriibayaal Ethiopian ka ambabaxday Bosaaso oo ku geeriyootay Xeebaha Yemen.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

46 Tahriibayaal Ethiopian ayaa geeriyootay, 16 kalena waa lagu la’ yahay Dooni ay la socdeen ugu yaraan 100 Ethiopian ah oo ku degtay Gacanka Cadmeed. Tahriibayaasha geeriyootay waxay kala ahaayeen 37 rag iyo 9 haween, halka 16 kalena oo la la’ yahay lagu xisaabay inay geeriyoodeen. Doonidaasi waxay bishan June 5-dii ka ambabaxday Xeebta magaalladda […]

- Advertisement -

46 Tahriibayaal Ethiopian ayaa geeriyootay, 16 kalena waa lagu la’ yahay Dooni ay la socdeen ugu yaraan 100 Ethiopian ah oo ku degtay Gacanka Cadmeed.

Tahriibayaasha geeriyootay waxay kala ahaayeen 37 rag iyo 9 haween, halka 16 kalena oo la la’ yahay lagu xisaabay inay geeriyoodeen.

- Advertisement -

Doonidaasi waxay bishan June 5-dii ka ambabaxday Xeebta magaalladda Bosaaso ee Maamulka Puntland, waxayna Tahriibayaasha ku haminayeen inay shaqo ka heli doonaan Yeman iyo dalalka Gacanka Carbeed.

Agaasimaha Hay’adda Muhaajirtiinta Caalamka ee IOM ugu qaabilsan Hawlgalladda iyo Gurmadka, Maxamed Cabdikeer waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin Masiibadda ay Tahriibayaashaasi ku geeriyoodeen.

Waxa uu intaasi ku daray in Yemen bil kasta u soo tahriibaan in ka badan 7,000 Tahriibayaal sabool ah., iyadoo sannadkii hore oo keliya ay Yemen soo gaareen 100,000 oo Tahriibayaal ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dhacdada Tahriibayaasha Ethiopianka ee shalay ku haftay Badda ayaa timid dhowr maalmood kadib, markii ay Hay’adda IOM ka taageertay sidii ay 101 qof oo Ethiopian oo ay ku jireen 51 Haween iyo 33 Carruur ah oo ku sugnaa Yeman dib loogu soo celin lahaa dalka Jabuuti, kuwaasi oo ku xayirmay dagaalka ka socdo hareeraha magaalladda dekedda leh ee Xudeyda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories