HomeCaalamka(WARBIXIN): “Guba Sawiradda Laacibka Lionel Messi haddii uu ka ciyaaro Yuhuudda”.

(WARBIXIN): “Guba Sawiradda Laacibka Lionel Messi haddii uu ka ciyaaro Yuhuudda”.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa si rasmi ahaan loo xaqiijiyey inay Xulka K/cagta Argentine baajiyeen Kulan ay Xulka Yuhuudda kula yeelan lahaayeen magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto. Tallaabadan ayaa ka dambaysay, kadib, markii ay Taageerayaasha Reer Falastiin ka codsadeen Laacibka Lionel Messi inuusan ka qeyb gelin Tartankaasi. Axaddii la soo dhaafay, Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Falastiin, Jibriil Rajuub waxa uu […]

- Advertisement -

Waxaa si rasmi ahaan loo xaqiijiyey inay Xulka K/cagta Argentine baajiyeen Kulan ay Xulka Yuhuudda kula yeelan lahaayeen magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay, kadib, markii ay Taageerayaasha Reer Falastiin ka codsadeen Laacibka Lionel Messi inuusan ka qeyb gelin Tartankaasi.

- Advertisement -

Axaddii la soo dhaafay, Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Falastiin, Jibriil Rajuub waxa uu ku booriyey Laacibka Messi ka ciyaarin Kulanka la qorsheeyey in lagu qabto magaalladda Quddus-ta La-haysto.

Waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Dibadbax ka dhigay Xafiiska Wakiilka Dowladda Argentine u jooga magaalladda Ramala ee Daanta Galbeed ee Falastiin, wuxuuna ka dalbaday in la joojiyo ciyaartaasi.

- Advertisement -

Jibriil Rajuub waxa uu Taageerayaasha Falastiin ugu baaqay inay gubaan Funnaanadaha ku xardhan Sawirka iyo magaca Laacibka Lionel Messi, haddii uu ka qeyb qaato Kulankaasi.

“Mrssi waa Tusaalaha Nabadda iyo Jacaylka” ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Falastiin, Jibriil Rajuub oo intaasi ku daray inay Messi ka codsadeen inuusan qeyb ka noqonin dhaqida Dembiyada iyo Haysashadda dhulalka Falastiin.

Waxa kale oo uu sheegay inuu Lionel Messi tobanaan million oo Taageerayaal ku leeyahay dalalka Carabta iyo Muslimka…waxaan qof kasta ka codsanay inay gubaan Funaanadaha ay ka muuqdaan magacisia iyo Sawirkiisa, haddii u u Ciyaartaasi u safto.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Argentine, Jorge Faurie oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Washington ayaa sheegay inuu rumeysan yhaay inaysan Xulka K/Cagta Argentine doonaynin inay u safraan Yuhuudda, si ay u soo ciyaaraan.

“Sida aan ogahay, Ciyaartoyda Kooxda Qaranka ma doonayaan inay dheelaan Ciyaartaasi” ayuu yiri Wasiirka oo hadlay ka hor inta aan lagu dhawaaqin inay Ciyaartaasi baaqatay.

Tababaraha Xulka K/cagta Argentine, Jorge Sampaoli waxa uu isbuucii hore sheegay inuusan doonaynin inay Xulkiisa u safraan Yuhuudda, wuxuuna carrabka carrabka ku dhuftay inuu ka door bidayo inay si ijoogaan magaalladda Barecelona (Spain), o oay Ciyaartoyda tababar ku qaadanayaan, ka hor Ciyaaraha Koobka Adduunka oo bishan 14-da ka bilaaban doona dalka Raashiya.

Dhinaca kale, Safaaradda Yuhuudda ku leedahay dalka Argentina ayaa soo saartay Qoraal ay ku sheegayso in ciyaartaasi la joojiyey, kadib, markii Lionel Messi loo hanjabay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories