HomeCaalamkaSawirro:-Qoys Soomaali oo ka bara-kacay gurigii ay ka deganaayeen Maraykanka

Sawirro:-Qoys Soomaali oo ka bara-kacay gurigii ay ka deganaayeen Maraykanka

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Hooyo iyo 7 carruur oo ay dhashay ayaa la sheegay inay bara-kaceen kadib, markii uu dab baabi’iyey gurigii ay ka deganaayeen magaalladda MILKAWAUKEE ee Gobalka WISCONSIN ee dalka Maraykanka. Sarkaalka Bisha Cas ee Gobalka ugu qaabilsan dhinaca Isgaarsiinta, JUSTIN KERN ayaa sheegay inay Qoyskaasi barakaceen habeenkii Isniinta, kadib, markii uu dab ka kacay gurigii ay […]

- Advertisement -

Hooyo iyo 7 carruur oo ay dhashay ayaa la sheegay inay bara-kaceen kadib, markii uu dab baabi’iyey gurigii ay ka deganaayeen magaalladda MILKAWAUKEE ee Gobalka WISCONSIN ee dalka Maraykanka.

Sarkaalka Bisha Cas ee Gobalka ugu qaabilsan dhinaca Isgaarsiinta, JUSTIN KERN ayaa sheegay inay Qoyskaasi barakaceen habeenkii Isniinta, kadib, markii uu dab ka kacay gurigii ay deganaayeen.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay inaysan Hooyadda Qoyskaasi ku hadli Karin Luqadda English-ka, isla markaana uu caawiyey mid ka mid ah carruurteeda oo xiriir la soo sameeyey Dab-damiska.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in da’da carruurta qoyska Soomaalida ee bara-kacay u dhexeyso 5 jir ilaa 13-jir.

Dhinaca kale, waxaa guriga ku gubtay sarriiro cusub iyo dhar ay Hooyadda dhawaan u soo iibisay Carruurteeda, mana muuqato inay Qoyskaasi awoodi karaan inay si degdeg ah dib ugu laabtaan gurigooda gubtay.

- Advertisement -

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay inay Qoyskaasi ka caawiyeen meel ay degaan iyo qalabka muhiimka u ah nolosha xilligan adag oo ay ku jiraan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories