HomeCaalamka(SAWIRO); Falastiiniyiin dadka u kiciya Saxuurta oo xarig iyo ganaax kala kulma...

(SAWIRO); Falastiiniyiin dadka u kiciya Saxuurta oo xarig iyo ganaax kala kulma Askarta Yuhuudda.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ragga Falastiiniyiinta ee dadka u soo kiciya Saxuurta ayaa la sheegay inay Ciiddanka Yuhuudda kala kulmaan jir-dil, xarig iyo ganaax. Raggaasi oo Gurbaan iyo Jabaq kaga kiciya xilliga Saxuurta dadka ku nool Qeybta Qaddiimiga ee magaalladda Quddus-ta La-haysto ayaa la sheegay inay dhibaato kala kulmaan Askarta Yuhuudda. Boliska Yuhuudda waxay si arxan-darro ah u beegsadaan […]

- Advertisement -

Ragga Falastiiniyiinta ee dadka u soo kiciya Saxuurta ayaa la sheegay inay Ciiddanka Yuhuudda kala kulmaan jir-dil, xarig iyo ganaax.

Raggaasi oo Gurbaan iyo Jabaq kaga kiciya xilliga Saxuurta dadka ku nool Qeybta Qaddiimiga ee magaalladda Quddus-ta La-haysto ayaa la sheegay inay dhibaato kala kulmaan Askarta Yuhuudda.

- Advertisement -

Boliska Yuhuudda waxay si arxan-darro ah u beegsadaan Raggaasi, iyadoo Dhaqanka saxuurta la isku kiciyo tahay mid caadi ka ah dhulalka Falastiin iyo dalal badan oo Muslim ah.

Ragga dadka u kiciya Saxuurta oo Falastiiniyiinta u yaqaanaan MUSAHARATI waxay socod lug ah ku maraan qeybagha kala duwan ee   Qeybta Qaddiimiga ee Quddus  abaaraha 2-da habeenimo (2 am), si ay dadka Muslimiinta ugu kiciyaan Saxuurta Bisha Ramadaan ee gebagebadda ah.

Qaar ka mid ah Yuhuudda la dejiyey Quddus waxay Boliska u gudbiyeen cabasho ku aadan inaysan ka seexan Karin Sawaxanka Ragga Muslimiinta ee dadka u kiciya Saxuurta.

- Advertisement -

Mid ka mid ah ragga dadka u kiciya Suxuurta oo lagu magacaabo Maxamed Hagej oo 26-jir ah ayaa sheegay inay Boliska xiraan, kuna ganaaxaan waxa ay ka sameynayaan qeyb ka mid ah dhulka Dhaxalka u ah Ummadda Falastiin.

“Waxay nagu eedeeyaan inaan iyaga ku qeylino, laakiin taasai run ma aha, waxay doonayaan inay wax kasta ka saaraan Dhulka Quddus ee Dhaxalka u ah Reer Falastiin.

Maxamed Hagej oo muddo 3 sanno dadka u kicin jirey Saxuurta ayaa sheegay in uu rumeysan yahay inay Dadka Yuhuudda ee la dejiyey dhulalka Falastiin ka dambeeyaan Eedeymahaasi

Waxa uu tilmaamay inaysan Boliska Yuhuudda dhibaato ku qabi jirin Ramadaanadii la soo dhaafay, balse ay Boliska isaga 4 jeer xireen Bishan Ramadaan.

Maxamed Hagej waxa kale oo uu sheegay in Boliska Yuhuudda jooga Xuduudaha ay isaga iyo nin kale u adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa, wuxuuna xusay in markii ugu horreysay ee la qabtay in lagu ganaaxay 450 Shekels oo u dhiganta 125 Dollar, iyadoo ganaaxaasi marka la qabtaba lagu sii kordhinayey Ganaaxa.

Afhayenka Boliska Yuhuudda, Micky Rosenfeld ayaa sheegay inay Boliska ka jawaab-celiyeen cabasho dadka Yuhuudda ka keeneen Sawaxanka dadka suxuurta u kiciya Muslimiinta.

Waxa uu waxba ka so oqaadin ganaax iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ee loo adeegsado Dhallinyarada Falastiiniyiinta ee Suxuurta u kiciya dadka Muslimiinta ku nool Bariga magaalladda Quddus.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories