HomeCaalamkaUK: Lacago loo ururinayo dadka Reer Boorama ee ay daadadku waxyeelleeyeen.

UK: Lacago loo ururinayo dadka Reer Boorama ee ay daadadku waxyeelleeyeen.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maamulka magaalladda Henley ee dalka Britain ee maataanka la leh magaalladda Boorama ee W/Galbeed Somalia ayaa bilaabay olole ay lacago ugu ururinayaan dadkii ay dhibaatadda ka soo gaartay Roobabkii Duufaanta watay ee SAGAR ee dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah dalalka Somalia, Jabuuti iyo Yemen. Tiro-koobka dadkii ku dhintay Somaliland ayaa waxay gaartay 60-qof, […]

- Advertisement -

Maamulka magaalladda Henley ee dalka Britain ee maataanka la leh magaalladda Boorama ee W/Galbeed Somalia ayaa bilaabay olole ay lacago ugu ururinayaan dadkii ay dhibaatadda ka soo gaartay Roobabkii Duufaanta watay ee SAGAR ee dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah dalalka Somalia, Jabuuti iyo Yemen.

Tiro-koobka dadkii ku dhintay Somaliland ayaa waxay gaartay 60-qof, iyadoo uu Gobalka Awdal oo laga xukumo magaalladda Boorama ahayd meeshii ugu xumayd ee ay Duufaantii waxyeelleysay.

- Advertisement -

Hay’ad Samafal oo lagu magacaabo SAMASON RELIEF oo ay dhisteen Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka UK ayaa ku hawlan sidii ay Gargaar Lacageed ugu ururin lahaayeen dadkaasi ku dhibaataysan magaalladda Boorama.

Duqa magaalladda Henley, Glen Lambert oo ah Guddoomiyaha Ururka Saaxiibtinimadda ee Henley iyo Borama (The Henley-Borama Friendship Association) ayaa sheegay inaysan dad badan ku baraarugsanayn xiriirka saaxiibtinimadda ee u dhexeeya Henley iyo magaalladda Borama.

- Advertisement -

“Nasiib-xumo dadka ku nool Booraama waxay dhibaato kala kulmeen Roobkii Duufaanta waday ee dhawaan ka da’ay qeybo ka mid ah W/galbeed ee Somalia” ayuu yiri Duqa magaalladda Henely oo dadka ku booriyey inay Taageero u fidiyaan Boorama.

Xiriirka Saaxiibtinimadda ee magaallooyinka Boorama iyo Henely waxaa sannadkii 1982-kii asaasay Mayarkii hore ee Henely, Dr Noel Snell, kadib, markii ay codsadeen Dadka deggan Henely.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories