HomeCaalamkaTiradda Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ka jooga Somalia oo la dhimi doono

Tiradda Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ka jooga Somalia oo la dhimi doono

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Maraykanka oo\\ayaa garwaaqsanaysa dhimista Hawlgalladda ay Ciiddankooda Khaaska ka wadaan Somalia iyo dalal kale oo Afrikaaan ah. Wargeyska The New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu shalay daabacay in ka badan kala-bar Ciiddanka Maraykaka ka jooga Qaaradda Afrika laga yaabo in la soo daad-gureeyo saddexda sanno ee soo socota. 6,000 […]

- Advertisement -

Dowladda Maraykanka oo\\ayaa garwaaqsanaysa dhimista Hawlgalladda ay Ciiddankooda Khaaska ka wadaan Somalia iyo dalal kale oo Afrikaaan ah.

Wargeyska The New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu shalay daabacay in ka badan kala-bar Ciiddanka Maraykaka ka jooga Qaaradda Afrika laga yaabo in la soo daad-gureeyo saddexda sanno ee soo socota.

- Advertisement -

6,000 oo Askar Maraykan ah ayaa haatan ku sugan dhowr dal oo Afrikaan ah, sidaa waxaa sheegay Taliska Hawlgalak Maraykanka ee AFRICOM.

Ku-dhawaad 500 Askar Komaandoos, Tababarayaal iyo Khubaro Loojistiko u dhashay Maraykanka ayaana ku sugan Somalia, kuwaasi oo ka taageera Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab.

Inta badan Hawlgalladda ay Maraykanka ka fuliyaan Somalia waxaa loo adeegsadaa Diyaaradaha Drones-ka, iyadoo in tobanaan Dagaalyahano Alshabaab lagu dilay duqeymahaasi sannadkii hore, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Wargeyska The New York Times waxa uu qoray inuu Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, James Mattis amray  sidii loo yareyn lahaa Hawlgalladda wax iska caabinta ee ay ka wadaan Qaaradda Afrika.

Wargeyska waxa uu sababaha loo yareynayo Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ku sheegay Khataraha Maraykanka ka soo wajahayo dalalka Shiinaha, Waqooyiga Kuurya iyo Iiraan..

Dhinaca kale, Warbixin ay Waaxda Difaaca Maraykanka u gudbiyeen Kongareeska isbuucii hore lagu sheegay in 499 qof oo Rayid ah lagu dilay Hawlgalladii  ay Milliteriga Maraykanka sannadkii hore ka geysteen dalalka Yemen, Iraq, Syria iyo Afganistan.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay weli baaritaano ku socdaan Hawlgalo lagu dilay 450 kale oo rayid ah. Oo mid ka mid ah duqeymaha laga geystay Somalia.

Kormeerayaal madax-bannaan iyo Saraakiil Somali ah ayaa sheegay in dad rayid ah lagu dilay duqyemaha Maraykanka iyo Hawlgalladda dhulka oo ay Milliteriga Maraykanka ka qaataan door La-talin oo keliya.

Xigasho: NYT

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories