HomeCaalamkaIiraan oo kordhinayso Bacriminta Yuraaniyamka laga farsameeyo Nukliyeerka.

Iiraan oo kordhinayso Bacriminta Yuraaniyamka laga farsameeyo Nukliyeerka.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dowladda Iiraan ayaa lagu wadaa inay maanta ku wargeliso Hay’adda QM ugu qaabilsan Tamarta Atoomikadda ee (The United Nations Atomic Energy) inay kordhin doonaan Bacriminta Yuraaniyamka (UF6) ee laga farsameeyo Nukliyeerka. Go’aankan ayaa la sheegay inay Iiraan kaga jawaabayso Go’aankii Madaxweynaha Maraykanka ku shaaciyey inay isaga baxeen Heshiiskii Caalamiga ee Nukliyeerka Iiraan ee la saxiixay sannadkii […]

- Advertisement -

Dowladda Iiraan ayaa lagu wadaa inay maanta ku wargeliso Hay’adda QM ugu qaabilsan Tamarta Atoomikadda ee (The United Nations Atomic Energy) inay kordhin doonaan Bacriminta Yuraaniyamka (UF6) ee laga farsameeyo Nukliyeerka.

Go’aankan ayaa la sheegay inay Iiraan kaga jawaabayso Go’aankii Madaxweynaha Maraykanka ku shaaciyey inay isaga baxeen Heshiiskii Caalamiga ee Nukliyeerka Iiraan ee la saxiixay sannadkii 2015-kii.

- Advertisement -

Afhayeenka Hay’adda Iiraan ugu qaabilsan Quwadda Atoomikadda Iiraan, Behrouz Kamalvandi ayaa ku dhawaaqay arrintaasi, balse ma shaacinin xilliga ay bilaabayaan ama Heerka Kordhinta Bacriminta Yuraaniyamka.

Hoggaamiyaha Iiraan, Aayatullaahi Khamani ayaa xalay sheegay inuu amar ku bixiyey inay Hay’adda Atoomikada Iiraan u diyaar garoobaan Kordhinta Bacrimintaas.

“Waxaan amray  xoojinta lagu kordhinayo Yuraaniyamka” ayuu yiri Hoggaamiyaha Iiraan oo intaasi ku daray inay go’aankaasi u qaateen haddiiba uu fashilmay Heshiiskii Caalamiga oo ay Maraykanka sheegeen inay ka baxeen Heshiiskaasi.

- Advertisement -

Aayatullaahi Cali Khamanii waxa uu amray Hay’adda Quwadda Atoomikadda ee dalkiisa inay u diyaar garoobaan sidii ay Bacriminta Nukliyeerka u gaarsiin lahaayeen 190,000 oo SWU.

Waxa uu tilmamaay in qaar ka mid ah Dowladaha Europe doonayaan in Iiraan lagu sii hayo Cunaqabataynta, si ay Dowladda Iiraan u soo dhiibaan Hubkooda Nukliyerka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu bishi iMay 8-dii sheegay inay Maraykanak ka baxeen Heshiiskii Nuklyeerka Iiraan oo ay horey u kala saxiixdeen Dowladda Iiraan iyo 5 ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM  iyo Waddabnka Jarmalka

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories