HomeCaalamkaICG: Siyaasiyiin kala taageersan Sacuudiga iyo Qatar oo xubno ka ah XFS...

ICG: Siyaasiyiin kala taageersan Sacuudiga iyo Qatar oo xubno ka ah XFS iyo Barlamaanka.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Iyadoo uu Khilaafka Khaliijka haatan sannad jirsaday ayaa waxaa sii kordhaya sida ay Siyaaasiyiinta Soomaalida ugu kala safteen Dowladaha  Sacuudiga iyo Qatar, sidaa waxaa lagu sheegay Warbixin ka soo baxay Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG (The International Crisis Group). Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay Somalia saamaysay Khilaafka Khaliijka, isla markaana ay jiraan Kooxo kala […]

- Advertisement -

Iyadoo uu Khilaafka Khaliijka haatan sannad jirsaday ayaa waxaa sii kordhaya sida ay Siyaaasiyiinta Soomaalida ugu kala safteen Dowladaha  Sacuudiga iyo Qatar, sidaa waxaa lagu sheegay Warbixin ka soo baxay Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG (The International Crisis Group).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay Somalia saamaysay Khilaafka Khaliijka, isla markaana ay jiraan Kooxo kala taageersan Sacuudiga iyo Qatar oo xubno ka ah XFS iyo Barlamaanka Federalka.

- Advertisement -

“Kooxaha kala taageersan Gacanka hadday  tahay Toos iyo mid dadban waxay u muuqataa Kala-qeybsanaan aad u xun, oo adkeynaysa mowqifyadda DFS iyo kooxaha ka so ohorjeeda , isla markanaa ay caqabad ku tahay dadaalka lagu gaari lahaa Heshiiska” ayaa lagu yiri Warbixinta ICG.

Khilaafka Khaliijka waxa kale oo uu saamayn ku yeeshay Tababarka Ciiddanka Qaranka Somalia, iyadoo ay dalal kala duwan u muuqdaan inay tababaraan qeybaha kala duwan ee Ciiddanka.

Agaasimaha Hya’adda ICG ugu qaabilsan Geeska Afrika. Rashiisd Candi ayaa sheegay in dalalka Khaliijka doonayaan inay la wareegaan Kontoroolka Badda Cas iyo Gacanka Carbeed.

- Advertisement -

Warbixinta ICG waxaa kaloo lagu muujiyey inay Deganaansho la’aan ku sii faafayso Goballadda, halka Dowlad-gobaleedyadda taageeradda ka hela Imaaaraadka Carabta ay mucaaradaan Dowladda Dhexe oo ay ku badan yihiin Siyaasiyiinta la safan  Qatar.

 Masraxa ugu weyn ee Khilaafka Khaliijka ayaa ahaa dalka Yemen oo wax yar ka baxsan Badda Somalia, hhalkaasi o oay Sacuudiga iyo Imaaraadka taageeraan Dowladda Yemen ee ay Caalamka aqoonsan yihiin, halka ay Dowladda Iiraan taageerto Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta.

Warbixinta Kooxda Xasaradaha Calaamiga ee ICG waxay ka digtay in Somalia oo horey u burbursanayd ay si fudud ugu nugushay Khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka

Warbixinta waxay kaloo ka dardaar werisay Haddii ay Somalia goob dagaal u noqoto Dowladaha Taajiriinta ee xoogga badan ee Khaliijka iyo Kooxaha Soomaalida kala taageersan in taasi noqon doonto Khatar kale.

Xigasho: washingtonpost

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories