HomeCaalamkaDowladda Liibiya iyo Midowga Europe oo ka hadlay Tahriibayaashii dhawaan lagu soo...

Dowladda Liibiya iyo Midowga Europe oo ka hadlay Tahriibayaashii dhawaan lagu soo celiyey Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Dowladda Libya ayaa sheegtay inay 143 Somali sharci-darro ku joogtay dalkaasi dib ugu celiyeen  dalkooda hooyo. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Dowladda Libya ee ay QM aqoonsan tahay ayaa lagu sheegay in Dib-u-celintaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Waaxda Socdaalka ee dib-u-celinta aan khasabka ahayn. Dowladda Libya waxay sheegtay in 143 Somali ah bishii hore ee […]

- Advertisement -

Dowladda Libya ayaa sheegtay inay 143 Somali sharci-darro ku joogtay dalkaasi dib ugu celiyeen  dalkooda hooyo.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Dowladda Libya ee ay QM aqoonsan tahay ayaa lagu sheegay in Dib-u-celintaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Waaxda Socdaalka ee dib-u-celinta aan khasabka ahayn.

- Advertisement -

Dowladda Libya waxay sheegtay in 143 Somali ah bishii hore ee May 30-dii dib loogu celiyey Muqdisho, iyadoo ay soo qaaday Shirkadda Diyaaradaha Maxaliga ee Al-buraaq.

Waana Duullimaadkii ugu horreeyey ee Toos ah oo Diyaarad ka soo ambaxday Garoonka Calaamiga ee Ma’etiga ee magaalladda Tripoli oo ka soo degata Graoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Soo-celinta Tahriibayaashaasi waxaa gacan ka geystay Hay’adda Socdaalka ee IOM, Ururka Midowga Euriope iyo DFS. Wuxuuna Safarkaasi ahaa kii 4-aad, uguna ballarnaa ee Muhaajiriinta Soomaalida ka soo laabanaysa Libya.s

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hawl-fuliyaha Ergadda Midowga Europe u joogta Somalia, Pencho Garrido Ruiz waxa uu sheegay inay EU-da aqoonsan tahay muhiimadda ay leedahay Taageeradda la siinayo Muhaajiriinta Soomaalida ku xayiran Libya ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Waxa uu tilmaamay inuu rumeysan yahay in Muhaajiriinta soo laabanayso awoodi doonaan inay u horseedo Nolol micno weyn leh iyo inay kaalin ka geystaan sare-u-qaadista Somalia.

Sido okale, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa iyadana hadal ka soo saartay Tahriibayaashii Soomaalida ee isbuucii hore ku soo laabtay Muqdisho, waxayna ka mahad celisay go’aanka ay DFS ku oggolaatay inay dadkaasi ku so olaabtaan dalkodoa hooyo.

Madaxa Xafiiska IOM ee Libya, Cusmaan Belbeysi ayaa sheegay in Iskaashiga u dhexeeya IOM, DFS iyo Hay;adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR horseeday in dib loo soo celiyo Muhaajiriinta Soomaalida ee doonaysa inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Si kastaba ha ahaatee, Muhaajiriinta dhawaan laga soo qaaday Libiya ayaa ah kuwii lagu haystay Xerooyinka ku yaalla Deegaanadda ay Dowladda Libya ka maamusho dalkaasi oo ay qeybo ka mid ah maamulaan Ma-gefayaal, Kooxo Beeleed Hubeysan iyo Maleeshiyo taabacsan Hoggaamiye-kooxeedyo iyo Kooxda Daacish.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories