HomeCaalamkaMuwaadin Soomaali oo laga soo masaafurin lahaa Kanada oo laga laabtay.

Muwaadin Soomaali oo laga soo masaafurin lahaa Kanada oo laga laabtay.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Kanada ayaa soo dhawweeyey go’aan ay Hay’adda Socdaalka ee dalka Kanada ku sheegtay inaan la masaafurin doonin Muwaaadin Soomaali oo la filayey in shalay dib loogu soo celiyo Kenya. Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Yuusuf Maadeey Maxamed ayaa la qorsheynayey in Kenya loo soo masaafuriyo 5-tii Glaabnimo ee shalay ee Xilliga […]

- Advertisement -

Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Kanada ayaa soo dhawweeyey go’aan ay Hay’adda Socdaalka ee dalka Kanada ku sheegtay inaan la masaafurin doonin Muwaaadin Soomaali oo la filayey in shalay dib loogu soo celiyo Kenya.

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Yuusuf Maadeey Maxamed ayaa la qorsheynayey in Kenya loo soo masaafuriyo 5-tii Glaabnimo ee shalay ee Xilliga Kanada, balse waxaa la shaaciyey in loo oggolaaday inuu Kanada sii joogi karo muddo hal sanno oo kale.

- Advertisement -

Yuusuf Maadeey oo 41-jir ah waxa uu aad u soo dhaweeyey Go’aankaasi, isagoo sheegay inuu ka badbaaday Khatar uu kala kulmi lahaa Kenya haddii loo masaafurin lahaa.

Waxa uu u sheegay Wargeyska StarMetro ayaa sheegay inay noloshiisa khatar geli lahayd haddii lagu celin lahaa Kanada.

“Markii aan maqlay in la ii oggolaaday inaan sii joogo Kanada, waxaan daremay Farxad aan la soo koobi karin, waan ilmeeyey oo ilintayda waxay wada qoysay Shaarkayga” ayuu sii raaciyey.

- Advertisement -

Yuusuf Maadeey waxa  uu Kanada soo galay sannadkii 2013-kii isagoo isticmaalayey Baasaboor Kenyan macmal oo uu ku qornaa magaca  Faarax Maxamed C/llaahi.

Xaaskiisa, Xaliima Cali oo haysata Dhalashadda Kanada ayaa soo dhweysay Go’aankaasi, waxayna u mahad celisay dhamaan intii gacan ka geysatay sidii uu Saygeeda kaga badbaadi lahaa in Kenya loo masaafuriyo.

Mar ay la hadashay Wargeyska StarMetro waxay sheegtay inay dareemaysio Farxad dheeri ah, kadib, markii lagu soo wargeliyey Go’aankaasi 3 saacadod ka hor, xilligii la qorsheynayey in Saygeeda loo tarxiilo Kenya.

Lammaanaha waxay isku dhaleen 4 carruur ah.

 

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories