HomeCaalamkaSawirro:-Dariiqadda Suufiyadda Somalia iyo Turkiga oo heshiis kala saxiixday

Sawirro:-Dariiqadda Suufiyadda Somalia iyo Turkiga oo heshiis kala saxiixday

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wargeyska Al-dastuur ee ka soo baxa magaalladda Qaahira waxa uu qoray in Shiikha Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga, Dr. Maxamed Al-xadiid kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda DFS, ahna Hormuudka Jamaacadda Iimaam  Al-shaafici ee magaalladda Muqdisho, Dr. C/qaadir Macallim Nuur. Kulankaasi oo habeenkii Sabtiga ka dhacay magaalladda Istanbuul, waxa uu Wasiir C/qaadir Macallim Nuur faahfaahin kooban ka bixiyey […]

- Advertisement -

Wargeyska Al-dastuur ee ka soo baxa magaalladda Qaahira waxa uu qoray in Shiikha Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga, Dr. Maxamed Al-xadiid kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda DFS, ahna Hormuudka Jamaacadda Iimaam  Al-shaafici ee magaalladda Muqdisho, Dr. C/qaadir Macallim Nuur.

Kulankaasi oo habeenkii Sabtiga ka dhacay magaalladda Istanbuul, waxa uu Wasiir C/qaadir Macallim Nuur faahfaahin kooban ka bixiyey doorka Imaam Al-rufaaci ee Turkiga ee Cilmiga Diinta iyo Arrimaha Ardayda.

- Advertisement -

Kulankaasi waxaa kaloo looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Dhaqdhaqaaqyadda Cilmiga Suufiyadda ee dalalka Islaamka.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in Ardayda Soomaalida loo soo diro Xarunta Al-riwaq ee magaalladda Istanbuul, si ay uga bartaan Cilmiga Islaamka.

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ay Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga u gudbiyeen Wargeyska Al-dastuur  ayaa lagu sheegay in Kaadiriin Sare oo ka socota Machadka Imaam Al-rufacai ee Cilmiga Islaamka ee dalka Turkiga loo soo diri doono Somalia si ay  Koorsooyin uga furaan Jamaacadda Iimaam Shaafici ee Somalia.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories