HomeCaalamka(SAWIRO): Qasriga Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo markii ugu horreysay la soo bandhigay.

(SAWIRO): Qasriga Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo markii ugu horreysay la soo bandhigay.

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un ayaa la sheegay inuu 8 Dhismo oo waa weyn ka deggan yahay meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Pyongyang. Saxafi u dhashay dalka Raashiya oo lagu magacaabo Valery Sharifulin ayey u suurto-gashay inuu Sawiro ka soo qaado mid ka mid ah Dhismayaasha waa weyn ee Kim Jong Un. Saxafigaasi ahna […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un ayaa la sheegay inuu 8 Dhismo oo waa weyn ka deggan yahay meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee Pyongyang.

Saxafi u dhashay dalka Raashiya oo lagu magacaabo Valery Sharifulin ayey u suurto-gashay inuu Sawiro ka soo qaado mid ka mid ah Dhismayaasha waa weyn ee Kim Jong Un.

- Advertisement -

Saxafigaasi ahna Sawir-qaade ayaa la siiyey fursad uu Sawiradaasi ku qadaan karo, kadib, markii uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya, Sergei Lavarov dhawaan booqday magaalladda Pyongyang, lana kulmay Hoggamaiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.

Sawir-qaadaha Raashiyaanka waxa kale oo uu baahiyey Sawiro uu ka soo qaaday Nawaaxiga magaalladda Pyongyang.

Inkastoo uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya leeyahay dhowr Qasri, haddana waxaa adkayd in la so ogalo ama laga qaado sawiro.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay Lee Young-kuk, oo ah Ilaaliyihii Khaaska ee Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya waxa uu ugu yaraan 8 Qasri ku leeyahay duleedka Caasimadda dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories