HomeCaalamka(SAWIRO): 6 Soomaali oo si dhuumaalaysi ah Xashiish ku gelin lahaa Sacuudiga...

(SAWIRO): 6 Soomaali oo si dhuumaalaysi ah Xashiish ku gelin lahaa Sacuudiga oo la qabtay.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Sacuudiga waxay bishii la soo dhaafay ee May gacanta ku dhigeen 30 qof oo Shisheeye ah, kuwaasi oo doonayey inay Xashiish ka gudbiyaan dhulka Buuraleyda ee Xuduudka Koonfureed ee Sacuudiga la wadaago dalka Yemen. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa qortay inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudka Koonfureed fashiliyeen dhowr isku-day oo […]

- Advertisement -

Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Sacuudiga waxay bishii la soo dhaafay ee May gacanta ku dhigeen 30 qof oo Shisheeye ah, kuwaasi oo doonayey inay Xashiish ka gudbiyaan dhulka Buuraleyda ee Xuduudka Koonfureed ee Sacuudiga la wadaago dalka Yemen.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa qortay inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudka Koonfureed fashiliyeen dhowr isku-day oo la doonayey in Xashiish culayskiisu dhamaa 1,117 Kg laga so ogudbiyey xuduudka dhuleed iyo kan Baddeed ee Sacuudiga.

- Advertisement -

Ilaaladda Xuduudaha waxay qabteen 30 qof oo Shisheeye ah muddadii u dhexeysay bishii May 7-da ilaa 19-da, sida uu sheegay Afhayeenka Ilaaladda Xududuaha Sacuudiga, Kolonel Saxar Al-xarbi.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegay in dadka lagu qabtay Xashiishka ay kala ahaayeen 13 Ethiopian, 11-Yemeniniin iyo 6 Soomaali ah, kuwaasi oo uu baaritaan ku socdo.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in ay Ilaaladda Xusuudaha sii wadi doonaan sidii loo joojin lahaa Isk-dayada lagu doonayo in Xashiish iyo Daroogo la soo geliyo Sacuudiga.

- Advertisement -

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Warbaahinta Sacuudiga iyo kuwa Khaliijka ayaa maanta oo Isniin ah qoray in ay Ilaaladda Xuduudaha ee Sacuudiga bishii hore qabteen 20 qof oo Shisheeye ah, kuwaasi oo doonayey inay Xashiish so ogeliyaan Sacuudiga.

Ilaaladda Xuduuka Sacuudga ee magaallooyinka Jizaan, Najraan iyo Casir ayaa sheegay inay fashiliyeen isku-day lagu doonayey in Xashiish culayskiisu dhamaa 641 Kg. ama in ka badan  Kala-barka Hal Tan.

Eedeysanayaasha lagu qabtay Xashiishkaasi ayaa kala ahaa 9 Ethiopian, 9 Yemeniyiin iyo 2 Soomaali ah.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories