HomeCaalamkaSafarkii Obama ee Kenya oo dib u dhacday ilaa bisha soo socota.

Safarkii Obama ee Kenya oo dib u dhacday ilaa bisha soo socota.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Sida laga soo xigtay Hay’adaha Nelson Mandela Foundation iyo The Obama Foundation, waxa uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka booqasho ku tegi doona Kenya bisha soo socota ee July 16, halkii horey loogu sheegay inuu booqashadiisa dhici doonto bartamaha bishan June. Barack Obama waxa lagu wadaa inuu socdaal hal maalin ah ku tago Kenya, wuxuuna Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay Hay’adaha Nelson Mandela Foundation iyo The Obama Foundation, waxa uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka booqasho ku tegi doona Kenya bisha soo socota ee July 16, halkii horey loogu sheegay inuu booqashadiisa dhici doonto bartamaha bishan June.

Barack Obama waxa lagu wadaa inuu socdaal hal maalin ah ku tago Kenya, wuxuuna Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta kula kulmi doonaa Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Waxaa kaloo la hadal hayaa inuu la kulmi doono Siyaasiyiinta Isbahaysiga Mucaaradka Kenya

Barack Obama oo ahaa Madaxweynihii 44-aad ee Maraykanka waxa kale oo uu booqan doona Degmadda uu asal ahaan ka soo jeedo ee K’Ogelo, si uu ula kulmo Qaraabadiisa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Barack Obama waxa uu u sii gudbi doonaa dalka Koonfur Afrika, isagoo khudbad ka jeedin doona Kulan-sannadeedka 16-aad ee Nelson Mondela oo lagu qaban doono magaalladda Johannesburg.

Casahar jeedintiisa ayaa dhici doonta bisha July 17-da, hal maalin ka hor Maalinta Calaamiga ee (Nelson Mandela International Day) oo lagu qaban doono Barxadda The Ellis Park Arena ee Johannesburg.

Obama waxa uu ka hadli doona waxa ay ka dhigan tahay 100-guuradii ka soo wareegtay Dhalashadii Nelson Mondela, oo isaga da’da 95-jir ku geeriyooday sannadkii 2013-kii

Wargeyska New York Times ayaa qortay inay Hay’adda Obama Foundation ku casuumi doono 200 oo dhallinyaro ah magaalladda Johannesburg bartamaha bisha July  tababaro Farsamo iyo Kulan-shaqo ( workshops and technical training).

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories