HomeCaalamkaMuwaadin Soomaali ku nool dalka Kanada oo la soo masaafurinayo

Muwaadin Soomaali ku nool dalka Kanada oo la soo masaafurinayo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Yuusuf Maadeey Maxamed oo ah Aabe leh 4 carruur ayaa la sheegay inuu khatar ugu jiro in loo soo masaafuriyo dalka Kenya, haddii ay Maamulayaasha Kanad taageeraan Amarka lagu masaafurinayo. Waxa uu shalay codsaday in loo oggolaado inuu sii joogo Kanada, balse Saraakiisha Hay’adda Adeegga Xuduudaha Kanada (CBSA) ayaa horey u amray Masaafurintiisa, kadib, markii […]

- Advertisement -

Yuusuf Maadeey Maxamed oo ah Aabe leh 4 carruur ayaa la sheegay inuu khatar ugu jiro in loo soo masaafuriyo dalka Kenya, haddii ay Maamulayaasha Kanad taageeraan Amarka lagu masaafurinayo.

Waxa uu shalay codsaday in loo oggolaado inuu sii joogo Kanada, balse Saraakiisha Hay’adda Adeegga Xuduudaha Kanada (CBSA) ayaa horey u amray Masaafurintiisa, kadib, markii uu ku guul-daraystay Rafcaan uu ka qaatay arrntaasi oo maalintii Jimcaha la dhegeystay.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay inuu ka baqanayo in Xabsiga la dhigo haddii lagu celiyo Kenya, isla markaana la kulmo Tacadiyo ku aadan Dukumentiyada been abuurka ee uu ku dhoofay.

Yuusuf Maadeey Maxamed waxa uu dalka Kanada joogay tan iyo sannadkii 2013-kii, isagoo Kanada  ku soo galay Baasaboor Kenyan ah oo la been abuuray oo uu ku qornaa magaca Faarax Maxamed C/llaahi.

Markii uu tegay Kanada waxa uu guursaday  Haweeney lagu magacaabo Xaliima Ibraahim Cali oo haysata Dhalashada dalka Kanada.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Yuusuf Maadeey Maxamed ayaa la qorsheynayaa in maalinta berrito oo Isniin ah la soo zaaro diyaarad geyn doonta Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories