HomeCaalamkaMidowga Afrika oo sheegay  inay  Al-Shabaab ka sirdoon fiican yihiin Ciiddanka AMISOM

Midowga Afrika oo sheegay  inay  Al-Shabaab ka sirdoon fiican yihiin Ciiddanka AMISOM

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ku-xigeenka Madaxa Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Simon Mulongo ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Xarunta Afrika ee Daraasadka Istaraatijiyadda ee “Africa Center for Stratigic Studies”, oo ah Xarun ku xiran Waxada Arrimaha Dibedda Maraykanka Waxa uu tilmaamay in Hawlgalka AMISOM ay dhibaatooyin Loojistiko iyo gabaabsi Saanad ka haysato si ay uga guuleystaan Alshabaab. Wuxuuna […]

- Advertisement -

Ku-xigeenka Madaxa Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Simon Mulongo ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Xarunta Afrika ee Daraasadka Istaraatijiyadda ee “Africa Center for Stratigic Studies”, oo ah Xarun ku xiran Waxada Arrimaha Dibedda Maraykanka

Waxa uu tilmaamay in Hawlgalka AMISOM ay dhibaatooyin Loojistiko iyo gabaabsi Saanad ka haysato si ay uga guuleystaan Alshabaab.

- Advertisement -

Wuxuuna ka digay inaan marnaba guulaha AMISOM la xaqiijin Karin, haddii ay sii socdaan inay ku tiirsanaadaan qaab-dhismeedka  Dhaqanka Nabad-ilaalinta.

 Simon Mulongo waxa kale oo uu tilmaamay in Awoodda liidata ee Ciiddanka Qaranka Soomaalida xitaa awoodi karto inuu Hawlgalka AMISOM guul-daraysto.

 “Alshabaab waxay haystaan Inkaasniyaad dhinaca Sirdoonka oo aad uga wanaagsan Hawlgalka AMISOM” ayuu yiri Ku-xigeenka Madaxa Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia,Simon Mulongo.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay taasi u sabab tahay xiriirka ay  Alshabaab la leeyihiin dadka ku nool Deegaanadda ay maamulaan, Dhaqanka Deegaanka, Luqadda iyo aqoontooda Xuduudaha, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Madaxa Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Simon Mulongo waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Baahida AMISOM ka haysta Inkaaniyaadka darruuriga ee ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan Hawlgalkooda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu qiray inay AMISOM awood-xumo ka haysato dhinaca Diyaaradaha Qumaatiga-u-kaca, isagoo sheegay inay haystaan 3 Helikopter, si ay u daboolaan Deegaanadda ay ka hawl-galaan.

Waxa kale oo uu ka hadlay Taageeradda ay QM ka helana, wuxuuna xusay inaysan QM fasax u haysanin inay AMISOM u soo daaabulaan Hubka iyo sidii loo xoojin lahaa Ciiddanka AMISOM ee ku sugan goobaha dagaalka.

Latest stories