HomeCaalamkaMadaxweynaha Suurya oo booqan doona Waqooyiga Kuurya.

Madaxweynaha Suurya oo booqan doona Waqooyiga Kuurya.

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweyne Bashaar Xaafid Al-asad ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo Hoggamaiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un. “Waxaan u socdaa inaan booqdo dalka Waqooyiga Kuurya (DPRK), si aan ula kulmo Kim Jong Un” ayuu yiri Madaxweynaha Syria, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya (KNCA). Madaxweyne Asad waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasabad uu bishii la […]

- Advertisement -

Madaxweyne Bashaar Xaafid Al-asad ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo Hoggamaiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.

“Waxaan u socdaa inaan booqdo dalka Waqooyiga Kuurya (DPRK), si aan ula kulmo Kim Jong Un” ayuu yiri Madaxweynaha Syria, sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya (KNCA).

- Advertisement -

Madaxweyne Asad waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasabad uu bishii la soo dhaafay ee May 30=dii Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Danjiraha Waqooyiga Kuurya u jooga Syria, Mun Jong Nam.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay Dowladda Syria weligeeda si buuxda u taageeraan dhamaan Siyaasadaha iyo Hoggaaminta dalkaasi iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya labada waddan.

Dhinaca kale, Xafiiska Madaxweynaha Syria wax hadal ah kama soo saarin wararka sheegaya inuu booqan doono dalka Waqooyiga Kuurya.

- Advertisement -

Labada Waddan waxay xiriir Diplomaasiyadeed yeesheen sannadkii 1965-kii, iyadoo Waqooyiga Kuurya Safaarad ka furteen magaalladda Dimishiq, halka Safaaradda Syria laga furay magaalladad Pyongyang sannadkii 1969-kii.

Xiriirka Milliteri ee labada Waddan ayaa bilowday, kadib, markii ay Waqooyiga Kuurya 530 Askari u dirtay Syria sannadkii 1967-kii oo uu socday Dagaalkii dhex maray Yuhuudda iyo Carabta.

Ciiddankaasi ka socday Waqooyiga Kuurya waxaa ka mid ahaa Duuliyayaal, Dareewaladda Taangiyadda iyo Ciiddanka haga Gantaalladda.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories