HomeCaalamkaUganda oo Gargaar gaarsiisay Qoysas ku bara kacay Fatahaadda Webiga Shabeelle

Uganda oo Gargaar gaarsiisay Qoysas ku bara kacay Fatahaadda Webiga Shabeelle

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay shalay deeq raashin ah gaarsiiyeen Qoysas ku sugan Degmadda Gol-weyn ee Gobalka sh/hoose. Ku-xigeenka Danjiraha Uganda u jooga Somalia, Ambassador Nathan Mugisha oo la hadlay Shabakadda Wararka ee Kampala Post ayaa sheegay in Deeqdaasi loo qeybiyey Qoysaska ka soo baraacay Fatahaadda Webiga Shabelle ee hartan ku sugan Xerooyinka Barakacayaasha ee […]

- Advertisement -

Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay shalay deeq raashin ah gaarsiiyeen Qoysas ku sugan Degmadda Gol-weyn ee Gobalka sh/hoose.

Ku-xigeenka Danjiraha Uganda u jooga Somalia, Ambassador Nathan Mugisha oo la hadlay Shabakadda Wararka ee Kampala Post ayaa sheegay in Deeqdaasi loo qeybiyey Qoysaska ka soo baraacay Fatahaadda Webiga Shabelle ee hartan ku sugan Xerooyinka Barakacayaasha ee Degmadda Wanle-weyn.

- Advertisement -

Ambassador Mugisha waxa uu ku baaqay in taageero badan la soo gaarsiiyo dadkaasi Braakacayaasha ee ku sugan Golweyn.

Dhinaca kale, Suldaan Warsame Ibrow oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka ayaa lagu wareejiyey Deeqadaasi, wuxuuna u mahad celiyey  Dowladda Uganda iyo Hawlgalka AMISOM taageerada Cuntada ee ay soo gaarsiiyeen,

Waxa u utilmaamay inay Gol-weyn ku sugan yihiin ugu yaraan 70 Qoysas ka soo barakacay Deegaano ku yaalla Sh/hoose, oo ay ka mid yihiin Gaburow, Buula Sheekh, Madulow ilaa Degaanka Janaale, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Deeqda ay Dowladda Uganda iyo AMISOM sheegeen inay gaarsiiyeen dadkaasi ku sugan Gol-weyn ayaa ka koobnaa Bariis, Bur, Sonkor, Saliidda cuntada lagu karsado iyo Caano, taasi oo ay Dowladda Ugnada u soo marsiisay Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka Samafalka ee OCHA ayaa horey u sheegtay inay in ka badan 750,000 oo qof ku barakaceen daadadka ka dhashay Webiyadda Shabelle iyo Jubba ee mara qeybo ka mid ah Goballadad Koonfureed ee Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories