HomeCaalamka(SAWIRO): Mid ka mid ah Dibad-baxayaal Reer Kashmiir oo la jiirsiiyey Gaari...

(SAWIRO): Mid ka mid ah Dibad-baxayaal Reer Kashmiir oo la jiirsiiyey Gaari ay leeyihiin Ciiddanka Hindya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dibadbaxaal badan ayaa shalay isugu soo baxay Caasimadda Gobalkaasi ee Sringar, waxayna codsanayeen in la soo dhamaystiro Xukunka Dowladda Hindiya ku haysato Gobalkaasi. Boliska Hindiya iyo Dibadbaxayaasha ayaana isku dhacay, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha si toos ah uga hor tageen Askartaasi, iyagoo dhagxaan adeegsanayey. In ka badan 50 qof oo Reer Kashmiir ah ayaa lagu […]

- Advertisement -

Dibadbaxaal badan ayaa shalay isugu soo baxay Caasimadda Gobalkaasi ee Sringar, waxayna codsanayeen in la soo dhamaystiro Xukunka Dowladda Hindiya ku haysato Gobalkaasi.

Boliska Hindiya iyo Dibadbaxayaasha ayaana isku dhacay, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha si toos ah uga hor tageen Askartaasi, iyagoo dhagxaan adeegsanayey.

- Advertisement -

In ka badan 50 qof oo Reer Kashmiir ah ayaa lagu dhaawacay Dibadbaxaasi, waxaana ugu darnaaa mid ka mid ah Dibadbaxayaasha oo uu jiiray Garai ay leeyihiin Ciiddanka Hindida.

Dhibanahaasi ayaa  si xun ugu dhaawacmay shilkaasi, sida ka muuqato Sawiradda ay Wakaalladda Wararka AP soo bandhigtay.

Saraakiisha Ammanaka Hindiya waxay ku doodeen inay Askarta la socotay Gaari ay khatar gashay noloshooda, kadib, markii ay ku soo xoomeen dhallinyaro caraysan oo Reer Kashmiir ah.

- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka u tababaran sida Milliteriga ee Hindiya, Sanjay Sharma ayaa sheegay inay ahayd xaallad ay Dibadbaxayaasha abuureen, isla markaana ay Ciiddanka muujiyeen is-xakamayn weyn, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, inta badan Reer Kashmiir waxay taageeraan Dagaalamayaasha doonayan inay ka xoroobaan dalka Hindiya oo xoog ku haysta qeybo ka mid ah Gobalka Jamu-Kashmiir.

Ku-dhawaad 70,000 oo Reer Kashmiir ayaa lagu dilay Kacdoonka Gobanima-doonka ee ay Dadkaasi kaga so ohor jeedaan Xukunka Hindiya.

Xuquuqda Sawiradan waxaa iska leh Wakaalladda Wararka ee AP

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories