HomeCaalamkaSacuudiga oo ku hanjabay inay duqeyn doonaan dalka Qatar.

Sacuudiga oo ku hanjabay inay duqeyn doonaan dalka Qatar.

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu u diray Madaxweynaha Faransiiska, Emmanwel Makroon. Wargeyska LE MONDE ee ka soo baxa magaalladda Paris ayaa qoray inay Sacuudiga ku cabsi geliyeen Qatar in Tallaabo Milliteri laga qaadi doono, haddii ay Raashiya ka soo iibssadaan Gantaalladda Nidaamka Difaaca Cirka ee S 400. Boqor […]

- Advertisement -

Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu u diray Madaxweynaha Faransiiska, Emmanwel Makroon. Wargeyska LE MONDE ee ka soo baxa magaalladda Paris ayaa qoray inay Sacuudiga ku cabsi geliyeen Qatar in Tallaabo Milliteri laga qaadi doono, haddii ay Raashiya ka soo iibssadaan Gantaalladda Nidaamka Difaaca Cirka ee S 400.

Boqor Salmaan waxa uu tilmaamay inay Gantaaladaasi khatar ku yihiin Dnaaha Sacuudiga, isla markaan ka  walaacsan yihiin Wada-xaajoodka u socda Dowladaha Qatar iyo  Raashiya ee looga iibinayo Nidaamka casriga ee Lidka Diyaaradaha ee S 400.

- Advertisement -

Boqorka Sacuudiga waaxa uu ka codsaday Madaxweynaha Fraansiiska inuu caadaadis saaro Dowladda Qatar si ay u joojiyan qorshaha ay ku iibsanayaan Ganataladaasi Raashiya lagu farsameeyo.

Dhinaca kale, Wargeyska LE MONDE oo soo xigtay ilo ku dhow Qasriga Madaxtooyadda Faransiiska ee Elysee Palace ayaa qoray inuu Boqorka Sacuudiga sheegay inay qaadi doonaan Tallaabo kasta oo looga hortagayo Qatar, oo ay ku jirto Tallaabo Milliteri.

- Advertisement -

Boqor Salaman waxa uu bishii October ee sannadkii hore booqday Raashiya, isagoo la soo saxiixday Heshisi Hordhac oo ku aadan in laga iibiyo Nidaamka Difaaca Lidka Diyaaradaha ee  S 400.

Dowladaha Sacuudiga iyo Qatar iskuma fiicnayn tan iyo bishii June 5-dii ee sannadkii hore, kadib, markii ay Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ku eedeeyeen Dowladda Qatar inay taageerto Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, inkastoo ay Qatar beenisay eedaasi.

Khilaafka Khaliijka waxa uu saamayn xooggan ku yeeshay Deganaanshaha Siyaasadeed iyo Ammaan ee Waddamo ay somalia ka mid tahay.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories